Orodyahanka taariikhda gallay ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland Maxamed Faarax ayaa caawa markii labaad ku guulaystay billadda dahabka ah ee 5000 M isagoo sida dufaanka uga dhex booday orodyahanadii ku dhawa.
Maxamed Faarax oo laba todobaad ka hor guusha taariikhda Britain baal dahab ah ka geliyey ka dib markii uu taariikhda markii ugu horaysay Britain ku guulaystay orodka 10,000 ee Metre oo ay orodkaasi caado ahaan ka dhigteen orodyahanadda Ethiopianka iyo Kenya-nku
Maxamed Faarax wuxuu caawa sidoo kale Ethoipiankii ka dhigay qaar uu halka danbe gashado, waxaa la ordaayey 12 wareeg oo garoonka lagu ordaayey, wareegyadii hore Maxamed Faarax wuxuu ku jira kaalmaha danbe, balse markii la gaadhay laabkii 9-aad ama wareegii sagaalaad ee orodka ayuu sida faraska uga dhex booday orodyahanadii Ethiopianka ahaa, isagoo la arkaayey isagoo sida danabka hilaaca iskugu gannafay laynka guusha.
Garoonka Stratford ee orodku ka socday ayaa markeliya kor u wada kacay isagoo qof weliba urinaayey guusha Maxamed Faarax, waxaa taasi ka darra gudaha telefishanka BBC oo isaga laga daawanaayey ayaa weriyayaashu waxay markeliya ka kaceen kuraasidii iyaguu ku dhawaaqaya “Mo Faarax, soco Maxamed Faarax”.
Maxamed Faarax ayaa ku guulaystay kana adkaaday iyadoo labadii orodyahan ee ugu dhawa ay ahaayeen Ethiopian, wuxuuna noqday orodyahankii ugu horeeyey ee taariikhda Britain olympic keliya ku guulaysta 10,000 iyo 5000, wuxuu noqonaya xidigii ka soo jeeday Somaliland ee Baal dahab ah ku qora taariikhda Guul Maxamed Faarax
Dhinaca kalana magaalada Wajaale ee ku taalla xuduudka Somaliland iyo Ethiopia oo weriyayaasha Halbeegnews ku suganyahiin ayaa waxaa halkaasi goor dhawayd ka bilaabmay tamaashad kaasi oo ay horkacayaan Maxamed Faarax hooyadii Amran iyo walaalkii Faysal Faarax goor dhaw filo sawirada