Waxaa beryahan ku sugnaa Magaalada Antrim, North Ireland Kooxo kala duwan oo ka kala socda waddama fara badan, kuwaas oo isu diyaarinaya ciyaaraha London Olympics ee maanta bilaabmay.
Waxaa Magaaladani nasiib u heshay in ay martigaliso Tababaraha Caalamigaa Jama Aden iyo kooxdiisa. Waxaa si khaas ah groonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyey Jama, Mayorka/Duqa magaalada Councillor Roy Thompson, xubno sare oo ka socda wasaaradda ciyaaraha, madaxda Sport NI oo uu horkacayo Consultant Marc Scott. Waxaa halka tababara ku waraystay BBC, isagoo uga waramay barnaamijkooda iyo isu diyaarinta ciyaarahan ku soo fooleh wiigga soo socda.
Hadaynu usoo noqono ka hadalka cinwaanka sare, waxaa habeen hore Jama Aden ka hadlay xaflad loo sameeyey kulana hadlay tababarayaasha ka soo qaybgalay. Waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa habka xulashada ciyaaryahanka, tababarka adkaysiga/endurance, iyo waxyaabaha hor istaagi kara horumarka orodyahanka. Waxaa uu soo bandhigay sawirro, video iyo tusaalooyin uu ku muujinaayo program yada uu ku tababaro dhallintiisa. Waxaa madasha ka muuqday dad aad u badan oo aad ugu riyaaqsan warbixinta tababaraha. Ugu dambeystii waxaa halkaa lagu weydiiyey su’aallo fara badan, iyadoo dadka badan kiisu ay u rajaynayeen nasiib wanaagsan isaga iyo kooxdiisa ciyaarrahan Olympics.
By. Issa Awaleh