Koobka loogu tala galay bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa maanta si rasmiya uga furmay garoonka wayn ee Hargeysa Stadium.
Koobkan oo uu maal galiyey ciyaaryahankii waynaa ee reer Hargeysa Yuusuf Nuux Yuusuf(Tadhase) ayaa waxa ku tartami doona kooxo ku dhaw 17 kooxood kuwaas oo ka kala socda shanta degmo ee ay ka kooban tahay caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Furitaanka koobkan ayaa waxa ka hadlay gudoomiyaha garsoorayaasha Somaliland Khadar Jiilaal Jaamac waxaaanu sheegay inay loo baahan yahay in ciyaartoyada ka qayb qaadanaya tartankani ay ilaaliyaan anshaxa kubada isla markaana ku dedaalaan inuu si nabad galyo ah ku soo dhamaado.
Sidoo kale gudoomiyaha garsoorayaasha Somaliland Khadar Jiilaal Jaamac waxa uu mahad naq balaadhan u soo jeediyey ciyaaryahanka maalgaliyey koobkan inuu halkaasi ka sii wado dedaalka iyo dhiiri gelinta uu ugu jiro dhalinyarada Somaliland.

Furitaanka koobkan ayaa waxa maanta isku haleelay labada kooxood ee Baby Shop Super Market iyo kooxda Xaqsoor kuwaas oo ku kala baxay bar bar dhac goolal la,aan ah.
Tartankan ayaa waxa uu socon doonaa inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee ramadaan kaas oo si joogta ah u socon doona mudada lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hargeysa/Somaliland.