Tartanka loogu magac daray TARTANKA IS-DHEXGALKA GANACSIDGA ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaaladda Hargeysa. Tartanka oo socday muddo ku dhaw laba bilood waxa qabanqaabiyay guddi ka kooban kooxaha tartamayay oo kala ahaa:
·
· Dollar Store
· Liibaan Pharmacy
· Alfatxi supermarket
· Telesom
Tartankan kubadda cagta oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo caasimadda Hargeysa, waxa uu bilaabmay hortaantii bishii May, waxaanu dhammaaday shalay oo ay ahayd 29 June, 2012, iyada maalinta jimcaha Gelinka danbe oo kaliya la ciyaari jiray.
Ciyaartoyga tartamayay waxa ay u badnaayeen shaqaalaha ka hawlgala ganacsiyadaas, sidoo kale ciyaartoygu waxa ay ka mid ahaayeen ciyaartogyii cuslaaday ee hore kubadda cagta u ciyaariyay jiray, halka garsoorayaashu ay ahaayeen qaar khibrad iyo waayo aragtinimo u leh garsoorka.
Dhammaan kooxaha ciyaarayay way is wada arkeen, dabayaaqadiina waxa ugu dhibco batay kooxdii ku ciyaaraysay magaca shirkadda Telesom iyo kooxdii ku ciyaarysay magaca Alfatxi Suppermarket.
Tartanka oo ahaa tartan aad u xiiso badan, waxa daawan jiray dadweyne aad u tiro badan. Waxyaabaha lagu xasuusto tartanka waxa ugu muhiimsan Ciyaartoygu waxa ay ahaayeen shaqaalaha ganacsiyadaas ka shaqeeya oo dhammaantood ka mid ahaa ciyaartoyadii hore.
Gunaanadkii Tartanka waxa ku guulaystay oo hantiyay koobkii kooxdii ku ciyaaraysay shirkadda Telesom, oo soo bandhigtay ciyaar aad u xiiso badan iyada oo ay guushu ku raacday 1-0.
Mustafe Adam oo ka mid ahaa ciyaartoygii u safanayay kooxda Telesom ahna shaqaalaha shirkadda Telesom oo aanu wax ka waydiinay tartanka ayaa yidhi; Aad baan ugu faraxnahay in maanta shaqaalihii shirkadaha iyo ganacsigu ku baraarugaan ciyaaraha iyo jidh-dhiska, halkii ay jimcaha iyo khamiista ka qayili lahaayeen, waayo caqliga foyoobi waxa uu ku jiraa jidhka dhisan.
Sida ka muuqata magaca tartanka oo ah IS-DHEXGALKA GANACSIGA waxa aanu ugu talogalnay in shaqalaaha shirkadaha iyo ganacsiga waaweyni isku-dhexgalaan. Ayuu raaciyay Mustafe Adam.