Other sports news

  • LIVE: Real Madrid vs Real Betis Rafael Benitez's men are looking to recover from last week's goalless draw with Sporting Gijon when they take on the Segunda Division champions

    Read more...
  • Martinez hails 'immense' Stones The Spanish manager heaped praise on his in-demand central defender after helping his side keep a clean sheet in the goalless draw at White Hart Lane on Saturday

    Read more...
  • Villa were robbed during Sunderland draw, blasts Sherwood The wasteful hosts were held to a draw by the Black Cats, leaving the head coach frustrated at his team's failure to capitalise on their overwhelming pressure

    Read more...
  • Shaqiri playing in the middle of nowhere - Degen The Basel veteran has launched a scatching attack on his Swiss team-mate's agent, who he blames for shifting the attacker to the Premier League midtable obscurity

    Read more...
  • Rodgers rues 'self-inflicted' Liverpool defeat The Reds brought defeat on themselves during Saturday's Premier League reversal at the hands of the visiting Hammers, according to their Northern Irish manager

    Read more...

Shirkadda daabacaada Xayeysiisyada ee SAGAL-JET ayaa caawa casuumad casho-sharafa ugu sameysay xulka Kubadda Koleyga (Basket Ball-ka)

Shirkadda daabacaada Xayeysiisyada ee SAGAL-JET ayaa caawa casuumad casho-sharafa ugu sameysay xulka Kubadda Koleyga (Basket Ball-ka) ee Caasimada Somaliland Huteelka Summer Time ee Magaalada Hargeysa,kadib markii ay nasiib-u-heleen inay ka qeybgaal tartanka Caasimadaha

Kubadda Basket Ball-ka ee Bariga iyo badhtamaha Afrika oo sanadkan lagu qabanayo Caasimada dalka Uganda ee Kampala.Casuumadan Casho-sharafta oo ay Shirkadda Sagal-Jet ku sagootiday,isla markaana ku maamustey Xulka Kubadda Koleyga ee Somaliland u meteli-doona tartankaasi Caasimadaha,ayaa waxa munaasibadaa ka soo qeybgalay Maareeyaha Shirkadda daabacaada Xayeysiisyada ee SAGAL-JET Md.Cabdi Yuusuf Aar, Wasiirka dhalinyarada ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Md.Cali Siciid Raygal, Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Mustafe Qadax, Ciyaartoyga Kubadda Basket-ka Ball-ka ee Caasimada Hargeysa, iyo marti sharaf kale.

Maareeyaha shirkadda daabacaada Xayeysiisyada ee SAGAL-JET Mr. Cabdi Yuusuf Aar oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo masuuliyiintii ka soo qeybgashay munaasibadan casho sharafta.“U-jeedada casuumadan casho sharafta ahi waxa weeyaan Sagal-Jet ahaan mid aanu ku dhiiri-gelinayno ama ku maamuseyno Ciyaartogya Caasimada Hargeysa ee Basket ball-ka,oo dhawaan u bixi doona tartan ay kaga qeybgali doonaan dalka Uganda.Muhiimada aanu casho-sharaftan u qabanay waxa weeyaan inaanu dhiirigelino dhalinyarada bahda Ciyaaraha ee ku ciyaaraya magaca Caasimada Hargeysa.”Ayuu yidhi.

Md. Cabdi Yuusuf waxa uu ka sheekeeyey muhiimada Ciyaaruhu u leeyihiin dhalinyarada da’ayarta, iyo sida loogu baahan-yahay in kor loo qaado oo hiil iyo hooba la isla garab istaago, Anaga oo ay masuuliyadi naga saaran tahay qeybaha kala duwan ee bulshada waxaanu mar-walba la garab taaganay bahweynta Ciyaaraha inaanu ku dhiirigelino wixii karaan-kayaga ah .Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanay waxaanan rajeynayaa inay tartankaasi guul-weyni ka soo hoyato.

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta dalka, qofkastana xil ayaa ka saaran,…Waa markii ugu horeysay ee ay Somaliland ka qeybgasho tartan noocan oo kale ah aniga iyo inta xiiseysa Ciyaaraha waxay u tahay farxad layaab leh.”Ayuu yidhi Cabdi Yuusuf, isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu sheegay inuu Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal uu wax baddan ku soo kordhin doono Wasaarada Ciyaaraha loona baahan-yahay in la is garab taago.

Guddoomiyaha Kubadda Basket Ball-ka Maxamuud Xasan Qodax oo isna halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu u mahad-celiyey Shirkadda Sagal-Jet oo iyadu Casuumadan casho-sharafta u sameysay xulka kubadda Basket-ball-ka ee Caasimada Hargeysa. “Mahad-weyn iyo sharaf ayaanu ugu haynaa Shirkadda Sagal Jet oo noqotey Shirkadii ugu horeysay ee Kooxdan Casuumada casho-sharafta u sameysa..waxaan filayaa sidii ay markii hore guusha u soo hooyeen (Tartankii Ciyaaraha gobolada Somaliland) ay u soo hoyn doonaan.”Ayuu yidhi

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Kooxdan Kubadda Basket ball-ku waxay tababar ku jireen muddo laba bilood ah oo ay u-jeedadoodu ahayd sidii tartankaasi ay ka qeybgalayaan ugu diyaar garoobi lahaayeen magacii iyo sumcadii qaranka (Somaliland) ee ay huwanaayeena ay guul ugu keeni lahaayeen.”

Md. Maxamuud Xasan waxa uu si qoto dheer uga sheekeeyey tartanka kubadda Koleyga ee Xulka Basket ball-ka ee Caasimada Somaliland uga qeybgeli doonaan, isaga oo ku tilmaamay inay tahay fursad dahabiya oo Somaliland soo martey.“Tartankan ay xulka kubadda Basket ball-ka Caasimada Somaliland ka qeybgeli doonaan waxa la bilaabay sanadkii 1998-kii, waxaana bilowday guddida loo yaqaano bariga iyo badhtamaha Afrika oo hoos timaada FIMA,waa taariikhi in Somaliland markii ugu horeysay ka qeybgasho tartan caalamiga ah oo kubadda Koleyga ah, waa fursad ILAAHAY loogu mahad-celiyo”

Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Somaliland Md. Mustafe Qodax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa Shirkadda SAGAL-JET oo xidhiidh weyn oo fiican la leh Wasaarada dhalinyarada Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Somaliland, Shirkadda Sagal-jet waxay kaalin-weyn ka soo geysatey tartankii Ciyaaraha gobolada Somaliland, iyo kii ka horeeyey ee joojinta tahriibta waxaanan mar-walba xasuusnaan-doona kaalinta ay shirkadda Sagal-jet noogu jirto.”

“Sanadkan inaynu ka qeybgalno tartanka kubadda Koleyga ka furmi doona Kampala waxa inoo suurtageliyey Wasiirka dhalinyarada Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka waanan uga mahad-celinaynaa.Somaliland waxay u tahay fursad-weyn oo sumcad u soo jiidi doonta haddii ILAAHAY Yidhaahdo.”Ayuu yidhi.

Wasiirka dhalinyarada Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Somaliland Md.Cali Siciid Raygal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Shirkadda SAGAL-JET oo casuumada casho-sharafta iyadu sameysay,waxaanu u rajeeyey xulka Kubadda Kolayga ee Somaliland uga qeybgalaya tartanka Kubadda kolayga ee sanadkan lagu qaban-doono Caasimada dalka Yuganda ee Kampala inay guul ka soo hooyaan.

Mar uu Wasiirku la dar-daarmayey Xulka kubadda Koleyga ee tartanka Somaliland u meteli doona,ayaa waxa uu yidhi “Waxay guushu ku jirta iyada oo aad akhlaaq wanaag, iyo nidaam wanaag dib ugala soo noqotaan..Waxaan idinkula dardaarmaya inaydaan xanaaqin markaad rag is-heshaan,inaydaan cadhoonin inaydaan cidna dhib u geysanin, sharafta qaranimo iyo sharafta Somaliland iyo magaca aad ku tageysaan iyo magaca wasaarada inaad ilaalisaan.Waxa kharashka lagu tagayo intii ugu badnayd bixiyey Madaxwyenaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo dawlada Hoose ee Hargeysa inta yare e hadhayna way iska dhamaan doonta.”

 

Share

Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • SALT LAKE CITY (AP) -- The Utah Jazz have signed free-agent rookie J.J. O'Brien.

    Read more...
  • BAKERSFIELD, Calif. (AP) -- Chris Jent will coach the Bakersfield Jam, the Phoenix Suns' affiliate in the NBA Development League.

    Read more...
  • Darryl Dawkins was once summoned in the Philadelphia 76ers' locker room to come meet a celebrity who wanted to meet the man known for dunking with backboard-breaking force. The guest was Grammy Award winner Stevie Wonder. The entertainer is blind,[…]

    Read more...
  • The owner of the Philadelphia 76ers has pledged a $3.5 million donation to the Philadelphia Police Athletic League - the largest amount ever recorded by the nonprofit youth group. The PAL supports disadvantaged youths by pairing them with police officers[…]

    Read more...
  • Lou Tsioropoulos, a member of Kentucky's 1951 NCAA national championship team and the unbeaten '53-54 squad who went on to win two NBA titles with the Boston Celtics, has died. Tsioropoulos' nephew, Michael Johnson, said Wednesday night that his uncle[…]

    Read more...
223292