Dahab Shiil

Ministry of Youth Sport and Culture

Sports Links

Other sports news

  • Chelsea 3-4 Manchester City: Dzeko inspires stunning City comeback Brian Kidd's side pulled off an unlikely comeback with Javi Garcia and Micah Richards also on the scoresheet after Rafa Benitez's men had raced into an undeserved three-goal lead

    Read more...
  • 'Dynamic' England can emulate Spain, insists Cleverley The Manchester United midfielder believes the mixture of players who have come through the ranks and experienced stars is exactly what is needed to win international trophies

    Read more...
  • Injured Messi called up to Argentina squad Despite being sidelined with a hamstring problem, the four-time Ballon d'Or winner has been named in Alejandro Sabella's 23-man squad for June's World Cup qualifiers

    Read more...
  • Debuchy has no regrets about joining Newcastle The Frenchman says he is delighted he decided to join a challenging league and is driven by the challenge of improving a Magpies side that finished 16th this season

    Read more...
  • Weidenfeller: Dortmund want to reach legendary status The success of the Bundesliga giants 16 years ago has not been forgotten, and Jurgen Klopp's No.1 is hoping that the omens in their favour come good

    Read more...

Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dhaqanka Somaliland Oo Si Rasmi Ah Xilka Ugala Wareegay ……………….

Wasirka RaygalWasiirka cusub ee wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cali Siciid Raygal, ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugala wareegay Wasiirkii hore Md. Cabdi Siciid Faahiye.kadib markii uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilkaasi ka qaaday.

 

Munaasibadii loo sameeyey xil-wareejinta, waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Ganacsiga Cabdiraaq Khaliif, Wasiir Ku xigeenka Waxbarashadda Cali Xaamud Jibriil, Maareeyaha Ha’yadda wadooyinka Somaliland ee SRA Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Maareeyaha wakaaladda Biyaha,la-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha dhalinyarada Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, Agaasimaha Wasaarada arrimaha gudaha Cabdilaahi Balaaki,Abwaano tiro badan oo uu hor-kacayey Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, Abwaan Xasan Qowdhan, Abwaan Cali Caateeye, Fanaaniin,Hogaamada Xidhiidhada kala duwan ee Ciyaaraha,Xidhibaano ka tirsan Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda,qaar ka mid ah Ciyaaryahanada Kooxaha Kubaddaha kala duwan, Haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee  Wasaarada Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cabdi Siciid Faahiye, ayaa ka sheekeeyey mudaddii uu joogay wasaarada waxa u qabsoomay, isaga oo si gaara u tilmaamay guushi uu ka soo hooyey tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Burco lagu soo gebagabeeyey, kaas oo uu ku tilmaamay inuu ahaa  tartankii ugu xiisaha iyo xamaasadaba badnaa, “Markii Wasiirnimadda Baarlamaanka la ii ansixinayay waxaan balan qaaday inaan qaban doono tartanka ciyaaraha goboladda. ILAAHAY mahaddii anigoo laba bilood oo qudha xilka hayay ayaan qabtay tartankii ciyaaraha goboladda ee ka qabsoomay Burco. Waxaana dhacay wax aan hore u dhicin aad iyo aadna waan ugu faraxsan nahahay,…. Anigoo aad ugu faraxsan 100% inaan xilka ku wareejiyo saaxiibkay oo walaalkay ahaa Md. Cali Siciid Raygal oo ahaa markii aan xilka la wareegay raggii garabka ii ahaa, inuu maantana xilkii igala wareego. Waxaanu qirayaa wixii aan qabtay. Waxaan leeyahay wasiirnimadaydii meel fog lama geynin maadaama oo aan ku wareejinayo saaxiibkay. Madaxweynahana sharaf iyo ammaan ayaan u hayaa intii aan la shaqaynayayna waxaan ka sheeganayaa ammaan iyo gobanimo. Waxaan qabaa xilku waa meetu isbedelka uu nagu sameeyayna waan ku faraxsan nahay.Anigu dawladda ayaan ka tirsan nahay xisbiga Dawladda ayaan sidii uga tirsan nahay, shaqada qaranka ee banaan ayaan qabanayaa,”

Md. Cabdi Siciid wuxuu tilmaamay inuu sameeyay xulkii iyo tabarihii qaranka oo uu maanta ku wareejinayo Wasiirka cusub.

Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Golaha Wasiirraddu ay ansixiyeen siyaasadda dhalinyarada oo uu maantana wareejinayo. Waxaanu ku dooday inuu olale weyn ka galay hawl-galkii dhalinyarada lagaga qaaday dabarkii ka hortaagnaa inay ka qeyb galaan siyaasadda. Waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo arrintaasi kala shaqeysay. “Waxaan dayactir ku sameeynay qaar ka mid ah garoomada Ciyaaraha Kubadda Cagta, qaar kalena waxa qorshaha noogu jirta inaanu dayactir ku sameyno”.Ayuu yidhi Cabdi Siciid Faahiye, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ku dooday inuu xilka kala wareegay sadex xidhiidh oo kuwa ciyaaraha ah, imikana uu wareejinayo lix xidhiidh, kuwaasi oo uu xusay inay qeyb ka tahay qorshaha wasaaradda ee horumarinta ciyaaraha.

Md. Cabdi Siciid  Faahiye waxa uu xusay inay dhawaan ku guulaysteen in orodyahano reer Somaliland ahi ka qeybgaleen tartan lagu qabtay dalka Jabuuti isla markaana ay koox kubadda kolleyga ahi ay dhawaan ugu kicitimi doonaan dalka Uganda, halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan tartan kubadaha gacmaha ah: “Waxaan maanta wasaaradan ku sagootinayaa niyad-sami iyo walaalkay oo shalayna I garab joogay ayaan maantana ku wareejinayaa, waliba waxaan ula diyaar ahay inaan la shaqeeyo oo qaranka wixii ka baylah ahna aan qabto.”Ayuu yidhi Wasiirkii hore Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka.

Wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Md.Cali Siciid Raygal oo ka hadlay munaaasibadaasi uu xilka kula wareegayey ayaa waxa uu yidhi “Anigu hadalka badin maayo wasiirkii hore ayaa hadalkii iyo warbixintii wasaarada dhameeyay. Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa wasiirkii hore oo ah nin qaaliya oo wax bandanna soo qabtay oo ku guulaystay. Waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay iyo wixii uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka qaranka hayayba.Runtii wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanku waa wixii ugu wanaagsanaa ee bulshadda. Dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalka bari hagayay iyo cududii bulshadda. Dhaqankuna waa hidaheenii, waxaan ku rajo weyn nahay inaan labadaba ka shaqayn doono sidii loo horumarin lahaa.”

“Wasiirkii hore wax badan buu sheegay inay diyaar yihiin. Wax walbana cid buu iigu tilmaamay inay gacanta iigu hayso.Aniguna cidii gacanta ku haysay ayaan kula xisaabtami doonaa. Ninkii waxaas la iigu sheegay laga waayaa waa waxaan meesha ku jirin.”.Ayuu yidhi Wasiirka Cusub ee Ciyaaruhu.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Mustafe Maxamuud Qodax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo bandhigay horumarkii ay ku talaabsatey Wasaaradu mudaddii uu joogay ee ay jirtey xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) “Waxaan halkan uga mahad-celinayaa Wasiirkii hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye oo wax baddan qabtey mudadii uu joogay Wasaarada, Wasiirka Cusub ee Wasaarada igu yimidna waxaan ku soo dhaweynayaa qalbi furan.”Ayuu yidhi Mustafe Qodax.

Niciima Cabdi Gellexe oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay sheegtay inuu Wasiirkii hore ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye oo wax weyn ka qabtey wasaarada mudaddii uu joogay,isla markaana waxay ku soo dhaweysay Wasaarada Wasiirka Cusub ee loo soo magacaabay Cali Siciid Raygal  oo ay ILAAHAY uga bariday inuu xilkaasi u fududeeyo. Waxaanay u soo jeedisay dhamaan Shaqaalaha Wasaaradu inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Wasiirka Cusub si hawlaha wasaaradu u kala socdaan.

La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha dhalinyarada Somaliland Cabdi-najax Siyaad Aw  Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay Wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanku ay tahay wasaarad xasaasiya, ”Wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanku waa wasaarad xasaasiya, waayo waxay kulmisa dhalinyaradii oo ah mustaqbalka berrito, iyo Dhaqankeeni waana laba shay oo aad iyo aad u muhiima oo  xasaasiya, markaa wasiirka Cusub waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu xilkaasi u fududeeyo,waxaana shaqaalaha Wasaarada looga fadhiya inay la shaqeeyaan, Wasiirkii hore ee Wasaaradan Cabdi Siciid Faahiye waxa uu ku soo kordhiyey, isla markaana uu w asaarada gaadhsiiyey meel sare oo la ilaabi-maayo.”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Abwaan Axmed Saleebaan (Bide), Abwaan Xasan Qowdhan, Abwabaan Cali Caateeye,  Wasiir Ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil, kuwaas oo dhamaantood ka sheekeeyey waxqabadkii Wasiirkii hore ee Wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka,iyaga oo ku amaanay sida uu markasta ugu heelana horumarinta qeybaha kala duduwan ee Ciyaaraha. Waxaanay si isku mida ugu duceeyeen Wasiirka Cusub ee Wasaaradaasi yimid inuu ILAAHAY Xilka Wasiirnimo u fududeeyo.

 

Share

Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • NEW YORK (AP) -- P.J. Carlesimo thinks the Brooklyn Nets' goal of winning a championship within the next two years is ''maybe not totally realistic,'' though he believes they are a contender in the Eastern Conference.

    Read more...
  • Grizzlies coach focused on Spurs, not his contract (Yahoo! Sports) MEMPHIS, Tenn. (AP) -- Lionel Hollins has been more successful than any Grizzlies coach and will be a free agent after June 30.

    Read more...
  • Pacers-Heat Preview (Yahoo! Sports) MIAMI (AP) -- Losing a game at the final buzzer, no less than a playoff game on the road against the reigning NBA champion Miami Heat, would seem to have potential to demoralize the Indiana Pacers.

    Read more...
  • James, Bryant voted to All-NBA first team (Yahoo! Sports) NEW YORK (AP) -- LeBron James was a unanimous pick for the All-NBA team and Kobe Bryant earned his record-tying 11th first-team selection.

    Read more...
  • Krzyzewski returning to coach USA Basketball (Yahoo! Sports) DURHAM, N.C. (AP) -- Duke coach Mike Krzyzewski just couldn't pass on ''the ultimate honor'' of representing his country again as the U.S. men's national team coach.

    Read more...