Sports Links

Jaamacadda Alpha University College oo casuumad sharafeed ku maamuustay ciyaartoygii Ka Qayb Galay Tartanka Ciyaarihii Gobollada ee Ka Dhacay Magaalada Burco

Jaamacada alpha university college ayaa caawa casuumad casho sharafeed ah ku maamuustay dhaliinyaradii ciyaartoyga ahayd ee ka qab galay tartankii ciyaaraha kala duwan ee gobolada ee ka dhacay magaalo madaxda gobolka togdheer eeburco

Ciyaartoyagan casuumada casho sharafeedka loo sameeyey oo ah ardaydii aan ka tisanayd aradayda jaamacada casho sharafeedkan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Jaamacaada Alpha University Masuuliyiinka Soda Wasaarada Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqan Xidhibaano ka tirsan golayaasha baarlamaanka Somaliland.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamaca Alpha Maxamed Xuseen Cismaan(Muadin) waxaana hadaladii ka mid ahaa”xuskan waxaanu ugu talo galnay dhiiri gelin farxadeed aaanu ugu talo galnay 10kii ciyaartay ee xidigaa ahaa tartankii ciyaaraha ee gobolada kuwaasi oo dhigta jaamacada .dhinaca kale jaamacada Alpha waxaa ay ka qayb qaadataa horumarka bulshada dhinackasta oo ay tahay ,dhinaca kale jaamacadu waxaa ay leedahay koox Magaca jaamacaada ku ciyaaraa, waxaa kale oo ay leedahay Naadiga akhristayaasha waxaanay jaamacadu kow ka noqotay in ay bixiso cashuurta dowlada ee jamacada waxaana nagu dayday jaamacado badan oo dalka ka jira waxaanunu rajanayanaa hadaanu nahay maamulka jaamacada in aay waxkasta oo horumar u ah dalka aanu ka qayb qaadano”

Waxaa kale oo isna madashaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada Ciyaarha Md Masdafe Cabdi Faarax oo ugu mahadnaqay jaamacada Alpha iyo maamulkaba sida ay uga qaybqaadanayaan dhiiri gelinta dhalinyarada waxaana hadaladisii ka mid ahaa“qabashada tartankii ciyaaraha waxaa uu soo jiitay indho badan badan oo dalka gudihiisa iyo debediisaba ah waxaanan rajayanayaa in aan ka sii hourumarino taasi oo ay tanata bulshada iyo ta qarankuba ku jirto” Waxaa dadkii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Maxamuud Cabdi Xasan (Koonfiida) oo ahaa xidigii ku guulaystay horyaalka xidignimada ee dalka.

Goduumiyaha Xidhiidhka Kubada kolayga Maxamuud Xasan Cabdilaali. Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Axmed Maxamed Sheekh.

Cabdi wali Sh.Cabdi Maxamuud oo ku hadlayeye magaca naadiga akhristayaasha

Dhamaantooda waxaa ay u mahad naqeen jaamacada Alpha oo ay sheegeen In ay jaamacada Alpha University sida ay ula garab taagan tahay dhiiri gelinta dhalinyara dhalinyarada ee dhinaca waxbarashada iyo Ciyaaraaha iyaga oo ugu baaqay in ay Jaamacadaha dalku ku daydaan jaamacadan oo ay ka qayb qaataan dhiiri gelinta dhalinyarada.

Ugu dambayntiina waxaa halkaasi lagu gudoonsiyey ciyaaryahanadii Loo qaybta munaasibada oo ay gudoon siiiyeen qaybaaha kala duwan ee ay jaamacadu ka kooban tahay sida ardayka Maamulka iyo culiyadaha ay bixiso Jaamacad Alpha University College.

 

Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil