






Waxaa magaalada Birmingham, UK ku sugan tababaraha Caalamiga ee Jama M. Aden(Karaiin). Tababaraha oo imika tababara kooxda qaranka ee Qatar, ayaa isla markaa tababara ciyaartoyda caanka ah ee uu ka mid yahay Abubaker Khamis Kaki oo dhowaan ku guulaystay ciyaarahii indoorka ee Stuttgart, Germany, isla markaana ah ninka hogaaminaya saacadaha orodka 800m ee sannadkan 2011.
Haddaba waxaa berri oo ah sabti, bishan Feb 19ka tahay ka dhici doona Magaalada weyn ee Birmingham Ciyaaraha Orrodada Adduunka ee loo yaqaan Aviva Grand Prix, kaas oo ka mid orodda Caalamiga ah ee IAAF.
Waxaa loo baahanyey ah in aynu wax ka sheegno muhiimadda orrodada berri dhici doona. Waa ta hore waxaa garoonkan ay ciyaaruhu ka dhici doonaan ee Birmingham National Indoor Arena hore loogu jebiyey 14 record sannadihii aynu soo dhaafnay; kuwaas oo uu ka mid ah ahaa Wilson Kipketer recorkiisii 1000m oo aan la dhaqaajin ilaa sannadkii 2000. Waxaa haddaba sidoo kale Abubaker Kaki tiigsanayaa inuu jebiyo Recorkii Dane ee 2:14.96.
Waxaa kale xusid mudan Ciyaartoyga Mo Farah ee u orda Waddanka Ingriiska oo tiigsanaya inuu sameeyo record cusub orodka 5000m. Ciyaartoygan ayaa hore u jebiyey recork kii orodyahankii Dave Moorcroft noqdayna ninkii ugu horreeyey ee Ingriis oo ku orda wax ka hooseeya 13 minutes. Mo Farah waa ninka u site yurub oroddada 5000m, iyo 10,000m.
Waxaa tababare Jama Karaiin iyo safkiisaba laga sugayaa guul buuxda sidii looga bartay sannadba sannadka ka dambeeya. Waxaa fursad u leh ciyaarahan inay daawadaan dhammaan dadka Somaliyeed eek u dhaqan Europe iyo addunka keleba. Issa Awaleh
Somal Sports
Webmaster