Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Raptors will have to stop slide without DeMar DeRozan DeMar DeRozan surveyed all that is going on with Toronto Raptors — a three-game losing streak, the team's longest in more than a full season of NBA games; discombobulating lineups created by injuries; and now his own absence for at[…]

    Read more...
  • Restricted free agent Nikola Mirotic has agree to return to the Bulls on a two-year contract, The Vertical reported on Sunday. The deal is worth a reported $27 million, and includes a no-trade clause in the first year.  Mirotic, 26,[…]

    Read more...
  • Carmelo's new co-star starts the Thunder 'championships' hype Paul George, Carmelo Anthony's new teammate in Oklahoma City, said the newest addition from New York has made the Thunder a “championship team.'' George, a free agent next summer, also sounded as if he would be ready to be there[…]

    Read more...
  • A Canada Basketball summer like a celebration for one veteran Spent an excellent couple of hours watching the current version of the senior men's basketball team work out yesterday afternoon, catching up with all kinds of old friends while watching a basically brand new team get ready for the AmeriCup[…]

    Read more...

Other sports news

  • Dybala says goal-shy Higuain 'just needs to relax' The former Real Madrid striker has scored just twice in Serie A this season, but his strike partner, who has netted 10 times, believes goals will come

    Read more...
  • Llorente agrees new four-year Real Madrid deal Marcos Llorente has followed Marcelo, Isco and Dani Carvajal in extending his contract with Real Madrid.

    Read more...
  • Sampdoria 2 AC Milan 0: Duvan Zapata claims family bragging rights AC Milan slumped to a 2-0 defeat at Sampdoria, where Duvan Zapata and Ricky Alvarez punished a listless showing from the visitors.

    Read more...
  • Brighton v Newcastle Betting: Toon to have the last laugh at the Amex Stadium Rafa Benitez's men are targeting a fourth straight win at their fellow promoted side and the Magpies look a solid bet to score the final goal

    Read more...
  • Arsenal vs West Brom: TV channel, stream, kick-off time, odds & match preview Arsene Wenger's side have improved in September, but they will need to continue their recent form if they are to push away from the bottom half

    Read more...

Kooxda Kubadda Kolayga TELESOM oo Ku Guuleysatay Koobka Tartanka Ramadaanta Ee Tima-cadde

Kooxda kubadda Kolayga ee TELESOM ayaa ku guuleysatay tartanka Kubadda Kolayga ee bisha Ramadaan oo lagu qabtay garoonka Tima-cadde ee magaalada Hargeysa.

 Tartankan oo ay ka qayb-galeen toddoba kooxood oo kala ahaa Nagaad, Dawladda Hoose Gabiley, True Cable Tv, Axmed-Gurey, Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Wasaaradda Wershadaha iyo Shirkadda TELESOM, ayaa waxa ciyaartii finalka iskugu soo hadhay labada kooxood ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo afartii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysatay tartankan iyo Shirkadda Telesom oo sannadkan ay u ciyaarayeen xiddigo firfircoon oo kasbaday taageereyaashii garoonka  joogay.

                                                     Kooxda Kubada Kolayga ee Telesom   

                                       Kooxda Kubada Kolayga ee W/Macdanta & Tamarta

Ciyaarta finalka ee ugu dambaysay oo ay kasoo qayb-galeen wasiirro, Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha, Guddoomiyaha xidhiidhka kubbadda Kolayga, shirkadda Telesom iyo Xisbiga WADDANI ayaa ku bilaabantay jewi firfircoon oo xamaasad badan, halkaas oo kooxda la saaxiibtay hanashada koobkan ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ay bilowgiiba hoggaanka la wareegtay, iyadoo ay xiddigaheeda, Dhago-Case, Axmed Cabdi-rashiid, Naasir, Axmed Cumar, Cali-dheere, Khadar Daa’uud, Mustafe-Jiyo, Yaasiin Dabshid ay sidii lagu yaqaanay kubadda u daadihiyeen, isla markaana abuureen fursado badan oo ay goolal ku keensadeen.

Kooxda Shirkadda TELESOM ku ciyaaraysay oo u badan da’ yar firfircoon

oo ay ku jiraan wiilal Allah siiyey hibo ciyaareed, ayaa waxay dhinaceeda soo bandhigeen kalsooni, orod iyo xirfad ku cusbayd garoonka, taas oo uu shaxdeeda soo dejiyey macallinka khabiirka ah ee markii dambena tababaraha ugu fiican la guddoonsiiyey ee Axmed Cismaan Diiriye (Shaadhay).

Orodka, garaacista xirfadaysan iyo loollanka difaaciseed ee labada kooxood, waxa dhamaadkii ciyaarta loogu caleemo saaray inay ahaayeen halyeeyadii ugu wanaagsanaa xiddigaha shirkadda Telesom, kuwaas oo ay hormood u ahaayeen, Sahal Shaadhay, Cabdiraxmaan Mahad, Madar Cumar, Cabdiwahaab Baashe, Cadnaan Saleebaan, Diiriye Shaadhay, Cawaale, Xamse iyo Cabdiqaadir Kayta.

Intii aanay ciyaartu dhamaanin, boqollaal qof oo garoonka joogay ayaa sacab iyo sawaxan xamaasad badan ku dheehantahay garoonka ku qurxiyey, kuwaas oo intooda badan taageerayey kooxda Shirkadda TELESOM.

Dhamaadkii, waxa ciyaarta lagu kala baxay 32 dhibcood oo ay guushu ku raacday shirkadda TELESOM, halka Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ay 29 dhibcood, taas oo muujinaysa in labada kooxood ay si aad ah iskugu dhowaayeen oo saddex dhibcood oo kaliya lagu kala guuleystay.

Kabtanka Kooxda Shirkadda TELESOM oo ah ruug caddaaga Madar Cumar ayaa uu wasiir ku-xigeenka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu koobka gacanta ka saaray, halkaasna waxa ka bilaabmay damaashaadka kooxda shirkadda TELESOM.

 

Gool-dhalinta tartanka waxa ku guuleystay oo abaalmarinta la guddoonsiiyey Cabdiwahaab Baashe oo ka tirsan kooxda TELESOM, ciyaartoygii ugu wanaagsanaana laacibka kubaddu ku sawiran tahay ee Dhego-case, halka macallinkii ugu fiicnaana uu noqday Shaadhay.

Share
587801