Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Boston Celtics sign Irving from Cavaliers LOS ANGELES The Boston Celtics signed Kyrie Irving from the Cleveland Cavaliers on Tuesday in a blockbuster trade that saw Isaiah Thomas head in the opposition direction, the Celtics confirmed. The Celtics said in a statement they had acquired Irving[…]

    Read more...
  • Cavs planning for future if LeBron leaves Dave McMenamin joins SportsCenter to break down what the Cavs receive from the Celtics and the potential impact of landing the Nets' 2018 first-round pick.

    Read more...
  • If Game 4 of the 2017 NBA Finals turns out to be Kyrie Irving's last game in the city of Cleveland playing for the Cavaliers -- after LeBron James' return, you can't really rule anything out, after all -- it[…]

    Read more...
  • Within minutes of the Celtics trading for the Cavaliers' star guard Kyrie Irving, fans were quick to weigh in on Twitter. But one fan added a twist to the deal: “Gotta include this wax statue of Paul Pierce . .[…]

    Read more...
  • Mookie Betts on Isaiah Thomas leaving Boston: 'It was kind of shocking' Scott Lauber ESPN Staff Writer Scott Lauber covers the Boston Red Sox for ESPN.com. Follow on Twitter CLEVELAND -- Mookie Betts was standing near his locker Tuesday night, chatting with a few reporters after the Boston Red Sox's 9-1 victory,[…]

    Read more...

Other sports news

  • Chelsea target Candreva will stay at Inter, says agent Blues manager Antonio Conte still wants to improve his team before the transfer window shuts, but it appears the Italy international won't be joining

    Read more...
  • Rooney still has unfinished business with England - Jagielka The Everton captain believes his team-mate “looks as good as ever” after a bright start to the new Premier League campaign

    Read more...
  • Insigne: Barcelona a dream for everyone The Italy international may be happy with the Serie A side, but the star attacker acknowledged it is a compliment to be linked with the Catalans

    Read more...
  • Arsenal transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Emirates Stadium Goal summarises the biggest transfer talk involving Arsenal as doubt continues to cloud the futures of the likes of Mesut Ozil and Alexis Sanchez

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Maxay Somaliland U Yeelan Weyday Xul Qaran Oo Kubada Cagta Ah? – Xulkii Faysal Dheere Iyo Sababihii Burburka

Iyadoo Wadan kasta laga ciyaaro ciyaaraha kala duwan ee Caalamka , oo walibana Wadan kasta leeyahay Xul Qaran oo u ciyaara ama u tartama Ciyaaraha kala duwan ee la ciyaaro, ayaa waxa xusid mudan in Jamhuuriyadda Somaliland oo wali Beesha Caalamka ka helin aqoonsi caalamiya in ilaa haddana aanay lahayn wax Xul Qaran ah oo u ciyaara.

 

Inagoo og in Ciyaaraha kala duwan ee Somaliland maraaxil kala duwan ay soo mareen, isla markaana wax tartan caalamiya oo ay si toos ah uga qayb gashay aanay jirin marka laga reebo Tartanka Orodka ama Ciyaaraha fudud ee Jabuuti ka dhaca sannad walba oo sannadihii ugu dambaysay ka qayb gashay, Tartan dhinaca Orodka ah oo isna ka dhacay Itoobiya, Tartan Kubada Kolayga ah oo ka dhacay Uganda, oo ay kaga qayb gashay magaca Caasimadda Somaliland iyo Tartankii ugu dambeeyey ee ahaa Tartanka Koobka Wadamada aan la aqoonsan oo afar Ciyaaryahan ka tageen dalka, halka Ciyaaryahanada kale oo ahaa qurbo joog ay ka tageen  dalka Ingiriiska,waxaana xusid mudan in tartankaas ay diideen Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha oo ku sheegay in Tartankani aan loo qabanayn dalal la meeqaam ah Somaliland, oo sida ay Somaliland madax banaanida u doonayso aan u doonayn.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye, oo markii uu dhammaaday Tartankii koobka Gobolada Somaliland ee ka dhacay Burco,  ku dhawaaqay Xul Qaranka Kubada Cagta Somaliland, oo uu ka soo xulay Ciyaaryahanadii wakhtigaas ugu fiicnaa tartankii Koobka Gobolada, Tababarena uga dhigay Fu’aad Dhabo, ayaanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey Xulkii uu isagu sameeyey, sababta keentay inuu sameeyo iyo sida uu u arko in dalka yeesho Xul Qaran, waxaanu yidhi “Markii Tartankii Ciyaaraha ee Burco dhammaaday, ayaan go’aansaday kuna fikiray in Xul Qaran dalka u sameeyo, waxaanu soo xulnay Ciyaaryahanadii ugu fiicna uguna tayada wanaagsanaa tartankaas, oo aanu ka soo xulnay dhammaan Gobolada dalka, si cadaalada ayaanu u soo xulnay, waxaana Tababare uga dhigay Fu’aad Dhabo, oo ka mid ahaa Ciyaaryhahanadii hore ee dalka ugu fiicnaa, markii aan xilka wareejinayeyna waan ku daray, sidaas oo ay tahay meel ay ku dambeeyeen Ciyaaryahanada Xulka Somaliland ee aan anigu sameeyey garan maayo, waxaana run ah in Ciyaaryahanadii qaar dhoofeen, qaar tahriibeen, qaar cusladeen, qaar guursadeen, qaarna gabi ahaanba ciyaarihii ka fadhiisteen, laakiin dalka ka maarmi maayo Xul Qaran oo u ciyaaro, ee waxa laga doonayaa Xukuumadda inay la timaado qorsho  ay ku sameeyso Xul Qaran, waxaana dabcan dalka joogo Ciyaaryahano aad u badan oo da’ yar oo tayo ahaana fiican, waxaana xaqiiqo ah haddii Xul Qaran la helo inay Ictiraafka Somaliland qayb ka noqon lahaayeen”.

Dhanka kale Tababare Faysal Muuse Ildab (Faysal Dheere), oo ah Tababaraha kooxda Kubada Cagta heerka kowaad ee Asluubta, muddo aad u dheerna ku soo jiray Ciyaaraha ayaa isna dhankiisa ka hadlay sida uu  u arko in dalku yeesho Xul Qaran, qaabka lagu soo xulay iyo faa’iidada uu dalka u leeyahay waxaanu yidhi “Waa daruuri in dalkeenu uu yeesho Xul Qaran, waxaana jirtay inuu Cabdi Siciid Faahiye oo Wasiir ka ahaa Wasaaradda Ciyaaruhu inuu mar sameeyey Xul Qaran, laakiin xulkaasi muu taabo qaadin, balse haddii aynu doonayno inaynu Xul Qaran sameeyno, marka hore waxa muhiim ah dhnacyo badan wax laga eego, oo waxyaabo badan la qiimeeyo, ugu horeyna waa in la dhisaa kooxaha kubada cagta, waa in la qabtaa Horyaalo joogto ah, oo kooxdii ku guulaysta Horyaalkaas, laga soo xulaa Ciyaaryahanada Xulka badh ka mid ah, inta kalena waa in laga soo xulaa kooxaha kala ee dalka, tusaale ahaan waxayna ka war qabnaa in Horyaalada Yurub, kooxaha ka dhisani ay yihiin kooxo awood badan, oo ka dhisan Magaalooyinka ama Gobolada, tusaale ahaan haddii aynu soo qaadano Horyaalka Ingiriiska kooxaha Chelsea, Tottenham iyo Arsenal waa isku magaalo oo London bay ka wada dhisan yihiin, Manchester United iyo Manchester City, midina waxay ku ciyaarta magaca Caasimadda, midina magaca Gobolka,  dhanka kale haddii aynu soo qaadano Ciyaaraha Somaliya, Magaalada Muqdisho ayey ka dhisan yihiin dhammaan Kooxihii oo dhammaantood halkaas ayaa la iskugu wada keenay, markaas haddii inagu aynu doonayno inaynu Xul Qaran yeelano marka hore waa inaynu dhisnaa Ciyaaraha dalkeena, waa inaynu dhisnaa Ciyaaryahanada iyo kooxaha, oo kharash badanba ha  ku baxee si ciyaaraheena sare loogu qaado waa in Magaalada Burco yeelata laba kooxood, Magaalada Ceerigaabo, koox, Laascanood Koox, Berberi koox, Boorama Koox, Gabiley Koox, Hargeysana ugu yaraan yeelata lix ilaa afar kooxood, markaasna Tartan Horyaal loo qabtaa, oo Kooxaha ugu wanaagsan laga soo dhex xulaa Ciyaaryahanada Xulka Qaranka, anaguna mar walba waxaanu jecel nahay in Ciyaaraha dalkeenu hagaagan, oo lagu soo hirto”.

Xoghayihii hore ee Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Sacad Maxamed Shire, Ciyaaryahanadii hore ee dalkana ahaa, haddana ka tirsan bahda Ciyaaraha, ayaa isna wuxuu ka hadlay inuu dalku yeelan karo xul qaran iyo waxa ka hor taagan, waxaanu yidhi “Xul Qaran weynu yeelan karnaa, balse waxa inaga hor taagan waxyaabo badan oo uu ugu horeeyo Ictiraafku, haddii aynu Xul sameeysano, aad bay u adag tahay Xul kale oo wadankiisa la aqoonsan yahay inuu inala ciyaaro, laakiin weynu sameeysan karnaa”.

Guddoomiyihii hore ee Olombikada Qaranka Maxamed Yuusuf Maxamuud (Cirro), ayaa isna wuxuu tilmamay inuu dalku yeelan karo Xul Qaran, waxaanu tilmaamay cida awooda u leh inay sameeyso Xul Qaran, “Haddii Xidhiidhada Ciyaaruhu dedaal xoogan sameeyaan, oo tartano joogta ah sameeyaan, si yar oo fudud ayeynu ku yeelan karnaa Xul Qaran,haddii aynu yeelano Xul Qarana markaas waa in awooda la saara sidii loo dhisi lahaa Ciyaaryahanada Xulka Somaliland, kadibna waa in Wadamada aynu jaarka nahay laga codsadaa inay inala ciyaaran, haddii ay inala ciyaarana fursad ayey inoo tahay, oo magac baynu ka helaynaa”.

 

Guddoomiyihii hore ee Olombikada Qaranka Maxamed Yuusuf Maxamuud (Cirro), ayaa mar uu ka hadlaayey wakhtigii uu ahaa Guddoomiyaha Olomibkada Qaranka ayaa yidhi “Anigu markii aan ahaa Guddoomiyaha Olombikada, waxaanu xidhiidh la sameeynay Olombikada Adduunka, gaar ahaan Guddida Farsamada, wakhtigaasna Magalada London ayuu Tartankii Olombikada Adduunku ka socday, wey noo garaabeen, balse arinka qudha ee dhibta nagu noqday waxayy ahayd Ictiraaf la’aanta, waxaana hubaal ah in Wasaaradda dedaalayso, sidii Ciyaaraha ku hagaajin lahaydna wado, ee waxaan xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha ku dhiirigelinaya inay iyana dhankooda ka dedaalan”.

Share
546083