Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Robinson III, Gordon, Porzingis win NBA All-Star events (Yahoo Sports) Glenn Robinson III is the NBA's new dunk king, with an assist to Indiana teammate Paul George, the Pacers' mascot and a Pacers cheerleader. Robinson leaped over all three, snagging the ball from George along the way before finishing with[…]

    Read more...
  • The Latest: Robinson wins dunk contest, caps Saturday events (Yahoo Sports) Glenn Robinson III of the Indiana Pacers is the All-Star slam dunk champion. Robinson beat Derrick Jones Jr. of the Phoenix Suns in the final round. Jones failed to go over three people - or rather, one man, one Suns[…]

    Read more...
  • Older, wiser and more aware of the world, LeBron James is unafraid to let his views known on politics or social issues or even the business of basketball. ''I've been vocal about a lot,'' James said Saturday. Whether it was[…]

    Read more...
  • The NBA is continuing to monitor how states are handling laws regarding the protections of transgender people, with Commissioner Adam Silver warning that any less-than-inclusive policies will help the league decide where to hold All-Star Games going forward. Silver, in[…]

    Read more...
  • Carmelo Anthony was looking forward to being somewhere other than New Orleans this weekend. The New York Knicks' prolific scorer was certainly not suffering from All-Star envy when he was initially left off of this season's Eastern Conference roster. In[…]

    Read more...

Other sports news

  • Fulham 0-3 Tottenham: Kane hat-trick books Spurs a place in FA Cup quarters The striker was unstoppable as Mauricio Pochettino's men had few problems in disposing of lower-league opposition in Sunday's cup tie

    Read more...
  • LIVE: Blackburn vs Manchester United Jose Mourinho's side take on the Championship strugglers as they look to defend the FA Cup crown they won last season. Follow it LIVE with Goal

    Read more...
  • 'The carbonara is on me!' - Gabigol revels in first Inter goal The Brazilian emerged from the bench to score his first goal for the Nerazzurri and secure a win over Bologna, but now he has to own up to a promise

    Read more...
  • TEAM NEWS: Rashford leads the attack as Man Utd seek FA Cup victory The England international is preferred to Zlatan Ibrahimovic at Ewood Park while Ashley Young earns a rare start on the right-hand side of defence

    Read more...
  • Welbeck reveals why he played for Arsenal Under-23s The striker played 70 minutes of a 2-1 loss to Leicester and has revealed that his recent injury issues meant he will not be risked against Sutton

    Read more...

Hargeysa: Kooxda MSG Oo Ku Guuleysatay Tartankii Bisha Ramadaan Ee Garoonka Badhtamaha Stadium

Kooxda ku ciyaaraysay magaca MSG ayaa maalintii shalay ku guuleysatay tartankii bisha Ramadaan ee ka socday garoonka doogga mac-malka ah ee Badhtamaha Stadium, kadib markii ay 4-2 kaga guuleysteen kooxda dhigooda ee iyaduna ku ciyaaraysay Tayo.

Tartankan oo uu maal-geliyay musharaxa u taagan doorashadda Barlamaanka ee la filayo inay qabsoonto sannadka 2017-ka Mr. Maxamed Amiin Cabdi Dixood,

waxaana gunnaanadkii tartankan ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Mr. Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal), Guddoomiya garsoorka xidhiidhka Mr. Khadar Jiilaal Jaamac, marti-sharaf iyo taageerayaal baddan. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay tababaraha kooxda kubadda cagta ee Duulista iyo Hawada Mr. Axmed Cali oo isagu qaban-qaabada iyo qabsoomida tartankan gacan ka gaystay, waxaana uu ka war-bixiyey tartankan iyo kooxaha ka qeyb-galay iyo sidoo kale in bisha Ramadaan dadka soomani ay u soo daawasho tagi jireen isagoo sidoo kale uga mahad-celiyay Musharax Maxamed Amiin Cabdi Dixood.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Mr. Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal), ayaa aad ugu mahad-celiyay dhallinyarta soo qaban-qaabisay tartankan iyo weliba Musharax Maxamed Amiin Cabdi Dixood, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Maanta waxaan ku faraxsanahay inaynu soo gunnaanadno tartankii bisha Ramadaan ee ka socday garoonkan, runtii ka xidhiidh ahaan waanu soo dhaweynaynaa in garoomada ceynkan ah ee caasimadda ku yaala lagu qabto tartamo, maadaama garoomadani ay kaga duwan yihiin xagga nabad-galyada iyo weliba ciyaartoyda oo aanay soo gaadhayn dhaawacyada dirrida iyo camuuda. Musharax Maxamed Amiin Cabdi Dixood aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqaynaa, iyo dhallinyartii sida fiican ee nabad-galyada ah u soo daadihinaysay intii uu socday” ayuu ku soo koobay hadalkiisi Guddoomiye Gacal.


Ugu dambeyntii waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha garsoorka kubadda cagta Mr. Khadar Jiilaal Jaamac, waxaana uu xusay in ka xidhiidh ahaan ay ku faraxsan yihiin in guud ahaan tartamadii bisha Ramadaan ay ku soo gaba-gaboobeen si nadiif ah oo nabad-galyo ah. Ugu dambeyntii, kabtanka kooxda MSG ciyaartoy Cabdikariim Guji ayaa la guddoonsiiyay koobkii tartanka, halka sidoo kale iyagana abaal-marrino lagu taxay kooxdii ugu akhlaaqda wanaagsaneyd, ciyaartoygii tartanka iyo sidoo kale laacibkii ugu goolasha baddnaa intii uu tartanku socday.



Share
427250