Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Rockets' James Harden expects to play through knee injury: 'It can't get worse' James Harden refuses to let his injury keep him off the court. The Rockets guard was "pretty close" to sitting out the team's 115-111 win over the Bucks on Saturday with a bruised right knee, but played through the pain and expects[…]

    Read more...
  • LeBron James eager to 'break the mold' for aging players in their prime To LeBron James, age is just a number. Ahead of his historic performance in the Cavaliers' 109-100 win over the Jazz on Saturday, the Cleveland superstar opened up about what it means to push his career to new heights in his 15th season in[…]

    Read more...
  • Pelton mail: Who gets credit for the NBA 3-point revolution? This week's mailbag features your questions on who deserves credit for the 3-point revolution, which Gasol brother was better at his peak, what's plaguing the New Orleans Pelicans and more. You can tweet your questions using the hashtag #peltonmailbag or[…]

    Read more...
  • Kobe Bryant is finally ready to say goodbye Baxter Holmes ESPN Staff Writer Close Covers the Los Angeles Lakers for ESPN.com Follow on Twitter EL SEGUNDO, Calif. -- He would peek up while sprinting out of the Staples Center tunnel for warm-ups, and again as the anthem played,[…]

    Read more...

Other sports news

  • PSG star Mbappe beats Man Utd's Martial to top award The teenager received an early birthday present as he was named his country's outstanding young footballer

    Read more...
  • Man Utd team news: Mata, Lingard & Lukaku start in attack against West Brom Jose Mourinho has made three changes to the side that defeated Bournemouth 1-0 on Wednesday as they look to close the gap on Man City to 11 points

    Read more...
  • Barcelona's January transfer plans revealed: Mina in, Mascherano out & Coutinho chase back on The Catalan club are keen to strengthen in the winter window, with at least one signing in defence as the veteran Argentine is allowed to leave

    Read more...
  • FUTmas: FIFA 18's Christmas Ultimate Team offers revealed EA Sports has introduced a series of squad-building challenges and rewards that will be up for grabs across the next 10 days of the holiday season

    Read more...
  • Man Utd draft teenager Kehinde into first-team training The Lagos-born midfielder could feature for the Red Devils against West Brom on Sunday after an injury crisis befell the club

    Read more...

Wasaaradda Ciyaaraha Oo Ka Hor Istaagtay Xildhibaan Dogox Garoon Si Sharci Darro Ah Uu Ku Seestay

Masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa difaacay si adagna u hor istaagay dhul garoon kubadda cagta ah oo ku yaala degmadda Axmed dhagax, gaar ahaan dhanka galbeed ee Masalaha,

kaas oo uu si sharci darro ah birrihii garoonka uga furtay seesna ku wareejistay xildhibaan Saleebaan Dogox oo ka mid ah gollaha deegaanka Hargeysa.

Wasiirka dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane oo ay weheliyaan Wasiir xigeenkiisa, Agaasimaha guud, Agaasime waaxeedyadda wasaaradda iyo kooxaha heerarka labaad iyo saddexaad ee ka dhisan degmadda Axmed ayaa subaxnimaddii hore ee saaka tegay garoonkaas si ay dib ugu celiyaan birrihii, sidoo kalena u calaamadiyaan cabirka garoonka oo si looga hir-geliyo dhimse garoon.

 

Dhulkan oo ah dhul ay wasaaraddu leedahay oo Maayarkii hore ee caasimadda Hargeysa Xuseen Jiciir uu wasaaradda ciyaaraha ugu wareejiyay si ay garoon kubadda cagta ah uga dhisto, isaga oo sidoo kale u sharciyeeyay laakiin uu damcay Xildhibaan Saleebaan Dogox kaas oo si sharci darro ah u qorsheystay inuu dhisme ka dhisto.

 

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan maanta halkan u joognaa inaanu difaacno garoonkan kubadda cagta ee ku yaala xaafadda Masalaha oo uu si sharci darro ay ku seestay xildhibaan Dogox oo ay weliba tahay degmaddii uu ka soo jeeday, waa wax la xumaado in dadkii ku soo doortay iska daa inaad wax u qabatidee aad damaacidid goobihii dhallinyaradu ku ciyaari lahayd. Dhulkan Maajar Jiciir ayaa wasaaradda garoon ahaan ugu sharciyeeyay, waana mid cid walba ogtahay oo aan la iska indho tiri karin, waxaana naga go’an inaanu dhallinyarada meel ay ku ciyaaro la’a in garoon uga dhisno”.

 

Sidoo kale Agaasime Dhabeeye waxa uu baaq u diray Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Duqa caasimadda iyo bulshadda reer Axmed Dhagax, waxaana uu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Maayarka caasimadda iyo cidkasta oo ay arrintani khusayso in la difaaco goobaha dhallinyarada loo qorsheeyay, oo la dhiiri-geliyo si ay ciyaaruhu uga hor istaagaan tahriibka iyo balwadaha”.

 

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa halkaasi ka hadlay, waxaana uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaankii degmaddii laga soo doortay uu dhaco garoomadii ciyaalku ku ciyaari lahaayeen “Waxaan ku baaqaya cid kasta inay arkaan xildhibaanadii caasimadda loo soo doortay inay boob ku hayaan dadkoodii, weliba ay ka xishoon waayeen goobihii ay dhallinyartu ku ciyaari lahayd. Annigu wiil aan dhalay uma dhicinayo garoonkan, ee waxaan u dhicinayaan dhallinyarada, gaar ahaan reer Axmed Dhagax oo xildhibaankii laga soo doortay ayaan weliba uga difaacaynaa inuu boobo” ayuu hadalkiisi ku soo koobay.

Ugu dambeyntii Wasiir xigeenka ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Faarax ayaa qalab ciyaareed guddoonsiiyey kooxihii ku sugnaa garoonka, iyaga oo ay halkaasi ka hadleen  qaar ka mid ah ciyaartoygii kooxaha, waxaanay hoosta ka xariiqeen inay difaacan doonaan garoonkooda waxaana ay sidoo kale burburiyeen seeskii uu ku wareejiyay xildhibaan Dogox.

 

 




Share
652109