Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Boston Celtics sign Irving from Cavaliers LOS ANGELES The Boston Celtics signed Kyrie Irving from the Cleveland Cavaliers on Tuesday in a blockbuster trade that saw Isaiah Thomas head in the opposition direction, the Celtics confirmed. The Celtics said in a statement they had acquired Irving[…]

    Read more...
  • Cavs planning for future if LeBron leaves Dave McMenamin joins SportsCenter to break down what the Cavs receive from the Celtics and the potential impact of landing the Nets' 2018 first-round pick.

    Read more...
  • If Game 4 of the 2017 NBA Finals turns out to be Kyrie Irving's last game in the city of Cleveland playing for the Cavaliers -- after LeBron James' return, you can't really rule anything out, after all -- it[…]

    Read more...
  • Within minutes of the Celtics trading for the Cavaliers' star guard Kyrie Irving, fans were quick to weigh in on Twitter. But one fan added a twist to the deal: “Gotta include this wax statue of Paul Pierce . .[…]

    Read more...
  • Mookie Betts on Isaiah Thomas leaving Boston: 'It was kind of shocking' Scott Lauber ESPN Staff Writer Scott Lauber covers the Boston Red Sox for ESPN.com. Follow on Twitter CLEVELAND -- Mookie Betts was standing near his locker Tuesday night, chatting with a few reporters after the Boston Red Sox's 9-1 victory,[…]

    Read more...

Other sports news

  • Chelsea target Candreva will stay at Inter, says agent Blues manager Antonio Conte still wants to improve his team before the transfer window shuts, but it appears the Italy international won't be joining

    Read more...
  • Rooney still has unfinished business with England - Jagielka The Everton captain believes his team-mate “looks as good as ever” after a bright start to the new Premier League campaign

    Read more...
  • Insigne: Barcelona a dream for everyone The Italy international may be happy with the Serie A side, but the star attacker acknowledged it is a compliment to be linked with the Catalans

    Read more...
  • Arsenal transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Emirates Stadium Goal summarises the biggest transfer talk involving Arsenal as doubt continues to cloud the futures of the likes of Mesut Ozil and Alexis Sanchez

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Hargeysa: Tartan Kubadda Cagta Ah Oo Loogu Baroor-diiqayo Marxuum Cumar-Saalax Oo Maanta Furmay

Tartan kubadda cagta oo loogu baroor-diiqayo marxuum ciyaartoy Cumar Cabdi Xasan (Cumar-Saalax) oo dhawaan geeriyooday ayaa ka qabsoomay maanta magaaladda Hargeysa, waxaana furitaankii tartankan ka soo qeyb-galay Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha ciyaara iyo duulista, ciyaartoydii ay soo wada ciyaareen iyo sidoo kale bahda Sports-ka.

 

Tartankan oo ay ka qeyb-galayaan 4-kooxood kuwaas oo ah ciyaartoydii ay garoomada ka wada safan jireen Marxuum ciyaartoy Cumar-Saalax oo ahaa kabtankii kooxdii NPP, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Afhayeenka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mr. Samatar Maxamed Cabdilaahi iyo tababaraha kooxda kubadda cagta heerka koowaad ee Goodir Mr. Jamaal Cabdi Axmed (Jante), halka sidoo kale dhanka maal-galinta ay gacan ka geysatay shirkadda MSG, waxaana kooxaha ka qeyb-galaya ay kala yihiin NPP, NDC, Sooyaal iyo MSG.

Tartankan oo ka qabsoomay garoonka doogga sanaaciga ah ee Badhtamaha Stadium ayaa waxaa ugu horeyn furitaankii ka hadlay qaar ka mid ah ciyaartoydii ay isku kooxda ahaayeen iyo sidoo kale kuwii ay garoomada kubadda cagta isku soo gaadheen, waxaana ka mid ahaa ciyaartoydii waa weynaa Cabdi Diito, Mustafe Cirid, Iid Jibriil, Yaasiin Aabo-Yare, Nicmaan, Axmed Xatto, iyo Axmed Aflax, waxaana ay guud ahaanba xuseen in Marxuum Cumar-Saalax uu ahaa shakhsi wanaagsan oo cibaado fiican, sidoo kalena sharaf iyo karaamo agtooda ka lahaa.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawadda Md. Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), waxaana uu uga mahad-naqay cida soo abaabushay tartanka isaga oo hoosta ka xariiqay in Marxuum Cumar-Saalax uu ahaa shakhsi marka laga yimaado ciyaartoynimadiisi uu ahaa qof af gaaban oo akhlaaq iyo cibaado wanaagsan uu ILAAHAYNA uga baryayo inuu Naxariistiisi janno ka waraabiyo, guud ahaana sammir iyo iimaan ka siiyo ehelkiisi iyo asxaabtiisi.

 

Ugu dambeyntii, waxaa tartanka furay Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu ku dheeraaday aqoontii uu u lahaa Marxuum Cumar-Saalax iyo sidoo kale doorkii wanaagsanaa ee uu waayihiisi ciyaaraha ka gaadhay, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaynu maanta tartankan u qabanaynaa inaynu ugu baroor-diiqno ILAAHAYNA uga barino inuu walaalkeen Marxuum Cumar-Saalax uu Naxariistiisa ka waraabiyo, runtii waxaynu dhammaanteenba ka markhaati kacnay inuu ahaa shakhsi qaali innagu ahaa, qalbi furnaa, afgaabnaa, cibaadada ku fiicnaa, wanaag mooyee aan cidna dhibaato u gaysan jirin. Wuxuu ahaa ciyaartoy weyn oo khibrad iyo farsamo aad u sareysa lahaa, runtii aan odhan karo wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda dhifta ah ee dalkeena soo maray”.

 

“Tartankan waxaa kooxaha hogaaminaya ciyaartoydii ay isku kooxda ahaayeen iyo kuwii kale ee ay wakhtiyada soo wada qaateen, waanu soo dhaweynaynaa taageeraynaana cid kasta oo karaamo iyo sharaf u muujinaysa ciyaartoydii qaaliga ahaa ee dalkeena soo martay. Intiina hawshan ka soo shaqeysay iyo kooxaha ka qeyb-galaya waan idiinka mahad-naqaya, waxaanan rajeynayaa inuu tartankani uu si fiican inoogu dhammaado Insha Allah” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.

 

Afarta kooxood ee tartankan ka qeyb-galaya ayaa min laba kooxood isku arkay, waxaana kooxda NPP ay 8-2 kaga guuleysatay kooxda MSG, halka sidoo kale kooxda NDC ay 5-4 iyaduna kaga guuleysatay kooxda Sooyaal. Kulanka finalka ayaa dhici doona maalinta Jimcaha ee toddobaadka soo socda haddii ALLE idmo, waxaana is wajihi doona labada kooxood ee NPP iyo NDC.


Share
546067