Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Boston Celtics sign Irving from Cavaliers LOS ANGELES The Boston Celtics signed Kyrie Irving from the Cleveland Cavaliers on Tuesday in a blockbuster trade that saw Isaiah Thomas head in the opposition direction, the Celtics confirmed. The Celtics said in a statement they had acquired Irving[…]

    Read more...
  • Cavs planning for future if LeBron leaves Dave McMenamin joins SportsCenter to break down what the Cavs receive from the Celtics and the potential impact of landing the Nets' 2018 first-round pick.

    Read more...
  • If Game 4 of the 2017 NBA Finals turns out to be Kyrie Irving's last game in the city of Cleveland playing for the Cavaliers -- after LeBron James' return, you can't really rule anything out, after all -- it[…]

    Read more...
  • Within minutes of the Celtics trading for the Cavaliers' star guard Kyrie Irving, fans were quick to weigh in on Twitter. But one fan added a twist to the deal: “Gotta include this wax statue of Paul Pierce . .[…]

    Read more...
  • Mookie Betts on Isaiah Thomas leaving Boston: 'It was kind of shocking' Scott Lauber ESPN Staff Writer Scott Lauber covers the Boston Red Sox for ESPN.com. Follow on Twitter CLEVELAND -- Mookie Betts was standing near his locker Tuesday night, chatting with a few reporters after the Boston Red Sox's 9-1 victory,[…]

    Read more...

Other sports news

  • Chelsea target Candreva will stay at Inter, says agent Blues manager Antonio Conte still wants to improve his team before the transfer window shuts, but it appears the Italy international won't be joining

    Read more...
  • Rooney still has unfinished business with England - Jagielka The Everton captain believes his team-mate “looks as good as ever” after a bright start to the new Premier League campaign

    Read more...
  • Insigne: Barcelona a dream for everyone The Italy international may be happy with the Serie A side, but the star attacker acknowledged it is a compliment to be linked with the Catalans

    Read more...
  • Arsenal transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Emirates Stadium Goal summarises the biggest transfer talk involving Arsenal as doubt continues to cloud the futures of the likes of Mesut Ozil and Alexis Sanchez

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Milicsiga Ciyaartoydii Xulkii Labaad Ee Gobollka Maroodi-Jeex Ee Ka Qeyb-galay Tartankii Ciyaaraha Gobollada Somaliland Ee Sannadkii 2003-dii

Waxaan dib idiin xasuusin doonaa ciyaartoydii waayo soo maray dalkeena, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa kuwaas oo Garoomada waa weyn ee kubadda cagta wacdaro lama ilaawaan ah ka dhigi jiray.

Waa muhiim in taariikhda dib loo raaco oo la xuso ciyaartoydii qaaliga ahaa ee dalkeena soo maray ee wakhtiyada qaar lagu majeeran jiray, loona riyaaqi jiray hanaankooddii iyo qaab ciyaareedkoodii cajiibka ahaa.

Wax sidaas u sii baddan dib u noqon mayno waa 13-sanno ka hor, waxaa laga yaaba intiina qaar xasuusataa inayba shalay idinla ahayd, ka soo gudub, sawirrka idiin muuqdaa waa ciyaartoydii matelayay xulkii kubadda cagta Gobollka Maroodi-Jeex tartankii ciyaarihii Gobollada ee sannadkii 2003-dii ee ka qabsoomay Magaaladda Hargeysa, sidoo kalena wuxuu ahaa Tartankii labaad ee Ciyaaraha Gobollada.

 

Hadaan war-bixin yar oo kooban sii raacino Gobollka Maroodi-Jeex waxaa wakhtigaas Quarter Finalka ku reebay Xulka Gobollka Sanaag oo kaga guuleystay 1-0, walow xulka Gobollka Maroodi-Jeex oo wakhtigaas difaacanayay Horyaalnimada maadaama uu sannadkii ka horeeyay ku guuleystay koobkii ka horeeyay, waxaana guul-darraas ka soo gaadhay Gobollka Sanaag lagu tilmaamayay khilaaf hoose oo dhex yaalay wakhtigaas, waxaana hogaaminayay oo tababare u ahaa wakhtigaas Tababare Shaqale.

Haddaba Akhristayaal Sawirrka idiin muuqda waa 14-ciyaartoy, walow mid ka mid ahi uu yahay Isu-duwihii Gobollka ee Wasaaradda Ciyaaraha ee wakhtigaas, inta kalase ay yihiin Xulkii Maroodi-Jeex ee wakhtigaas inkasta oo sawirkan ay ka maqan yihiin dhawr ciyaartoy oo uu ka mid yahay kabtankii wakhtigaas Mustafe (Cirid) oo difaaca danbe ka ciyaari jiray.

Ciyaartoydan ayaa hadda ah kuwo wakhtigu kala fogeeyay, inkasta oo inta baddan ay hadda dalka ku sugan yihiin halka kuwo kalena ay qaaradaha dunida ay yagleeleen. Akhriste waxaa laga yaaba inaad is weydiiso ciyaartooyo wakhtigaas ku jiray Gobollka, laakiin sawirrkani ma ahayn mid ay dhammaan ciyaartoydu u wada dhammaayeen laakiin waa qeyb ka mid ah oo kulan safanaysay.

Haddaba hoosta ka daalaco laacib kasta iyo halka uu maanta dunida kaga nool yahay:

Goolhaye Dhago: Wuxuu wakhtigaas ahaa goolhayihii kooxdii Goodir ee ciidanka Booliska, waxaana uu imika ku sugan magaalada Hargeysa isagoo ka mid ah Ciidanka Booliska.

Shiine Karaaciin: Wuxuu wakhtigaas uu noqday Isu-duwaha Gobollka Maroodi-Jeex ee wasaarada Ciyaaraha, isagoo tartankii kaas ka horeeyay ahaa ciyaartoydii ku guuleystay tartankii ugu horeeyay ciyaaraha Gobollada, waxaana uu ilaa hadda yahay Isu-duwihii isagoo ku sugan isla magaaladda Hargeysa.

Khadaaro: Wuxuu xilligaas ka mid ahaa ciyaartoydii heerka koowaad ee kooxda Goodir, oo uu khadka dhexe uga ciyaari jiray waxaana uu hadda ku sugan isla dalka, gaar ahaan magaaladda Berbera isagoo halkaas ka shaqeeya.

Jaamac Karaaciin: Wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii wakhtigaas ka tirsanayd kooxdii heerka koowaad ee Gaashaan ee Gobollka Maroodi-Jeex u ciyaarayay, waxaan uu ku sugan yajay Magaaladda Hargeysa isagoo ah mid shaqo haya.

Shabeel: Cabdrisaaq Shabeel oo ka mid ahaa ciyaartoydii faro ku tiriska ahaa ee khadka dhexe kubadda ka qaabayn jiray, wuxuu isna ka mid ahaa ciyaartoydii heerka koowaad ee wakhtigaas u ciyaari jiray kooxda ciidanka Booliska ee Goodir, inkasta oo aanu garoomada ka bixin walaw uu imika ku abtirsado ciyaartoyda cuslaatay, waxaana uu isna hadda uu ku sugan yahay Magaaladda Hargeysa, waxaana uu ka shaqeeya imika Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom.

Khadar Shafay: Xiddigan ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii la majeeran jiray wakhtigaas, waxaana uu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu horeysay ee lagu aasaasay kooxda Heerka Koowaad ee Gaashaan, sidoo kale waxa uu ahaa laacibiinta sida weyn uga dhex muuqan jiray xulka Maroodi-Jeex, waxaana uu haatan ku sugan yahay oo uu ku nool yahay wadanka England.

Dhego: Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu da’da yaraa ee wakhtigaas nasiibka u yeeshay inuu ka ag ciyaaro ciyaartooyo kaga soo horeeyay garoomada Kubadda cagta, waxaana uu wakhtigaas waxooga yar ka hor uu ku noqday kooxda Goodir, isagoo sidoo kalena nasiib u yeeshay in lagu soo daro xulkii Gobollka Maroodi-Jeex ee 2002-dii. Dhago ayaa hadda ku nool wadanka Maraykanka.

Farxaan: Waa mid ka mid ah ciyaartoydii wakhtigaas awooda u lahaa inuu dhawr boos ka ciyaaro, walow uu wakhtigiisi dambe ka ciyaari jiray baal difaac ah, laacibkan ayaa isna ka mid ahaa kooxdii Gaashaan iyo xulkii Maroodi-Jeex ee wakhtigaas, waxaana uu ku sugan yahay wadanka Germany.

Liibaan Tiifo: Halyeygii darbada weynaa wuxuu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee Gaashaan, waxaana sidoo kale aanu filaynaa inuu ahaa Kabtankii wakhtigaas, wakhti xaadirkana waa tababaraha labaad ee gobollka Hawd, waxana uu hadda ku sugan dalkeena gaar ahaan Magaalada Hargeysa.

Siyaato: Waa ma daalihii baasha midig kubadda ka soo karoosi jiray, wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kooxda Goodir lagu aasaasay, waxaana uu ka mid ahaa ciyaartoydii Gobollka Maroodi-Jeex ee xilligaas, waxa uu ku nool yahay hadda Magaalada Hargeysa.

Cumar Sayid: Waa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu cad-cadaa kooxdii Star, waxaana uu nasiib u yeeshay inuu u ciyaaro xulkii wakhtigaas, waxa uu hadda ku sugan yahay wadanka, waana Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawadda.

Liibaan Totti: Waa difaacyadii marna dhexda soo gali jiray ee ku xaragoon jiray kubadda, waa ciyaartoydii Gaashaan ee xulka ku jiray, waxa uu hadda ku sugan yahay wadanka Sweden.

Diito: Weerar yahankii gool ma-gafaha ahaa ee kooxdii ugu horeysay ee Goodir iyo xulkii wakhtigaas, Diito waxaa lagu xasuustaa goolashii quruxda baddnaa ee uu dhallin jiray, waxa uu weli yahay halyey aan ka dhex bixin kubadda cagta jaceyl uu u qabo weli, waa maamulka sarre ee kooxdiisi uu inta baddan u soo ciyaaray ee Goodir, waxaana uu ku sugan yahay Hargeysa.

Iid Jibriil: Waa mid ka mid ah gool-dhalliyaashii ugu qaalisanaa wadankeena, waa halyey ku suntay ciyaaraha kubadda cagta ee wadankeena isaga oo ahaa kooxdii koowaad ee Gaashaan, waa mid ka mid ah hadda tababarayaasha ugu khibrada iyo magaca weyn dalkeena, wuxuu hogaamiya kooxda heerka koowaad ee Gaashaan, waxaana uu ku nool yahay Hargeysa.

Mahad-naq: Waxaan u mahad-naqaynaa oo taariikhda iyo ciyaartoydii wakhtigaas halka ay maanta dundida kaga sugan yihiin naga caawiyey inaan helo xogtooda kabtankii wakhtigaas ee xulkii gobollka Maroodi-Jeex Mustafe (Cirid), oo aan isagu sawirrkan ku jirin maadaama uu dhaawac kaga maqnaa kulankan gobollkiisa.

 



Share
546057