Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Robinson III, Gordon, Porzingis win NBA All-Star events (Yahoo Sports) Glenn Robinson III is the NBA's new dunk king, with an assist to Indiana teammate Paul George, the Pacers' mascot and a Pacers cheerleader. Robinson leaped over all three, snagging the ball from George along the way before finishing with[…]

    Read more...
  • The Latest: Robinson wins dunk contest, caps Saturday events (Yahoo Sports) Glenn Robinson III of the Indiana Pacers is the All-Star slam dunk champion. Robinson beat Derrick Jones Jr. of the Phoenix Suns in the final round. Jones failed to go over three people - or rather, one man, one Suns[…]

    Read more...
  • Older, wiser and more aware of the world, LeBron James is unafraid to let his views known on politics or social issues or even the business of basketball. ''I've been vocal about a lot,'' James said Saturday. Whether it was[…]

    Read more...
  • The NBA is continuing to monitor how states are handling laws regarding the protections of transgender people, with Commissioner Adam Silver warning that any less-than-inclusive policies will help the league decide where to hold All-Star Games going forward. Silver, in[…]

    Read more...
  • Carmelo Anthony was looking forward to being somewhere other than New Orleans this weekend. The New York Knicks' prolific scorer was certainly not suffering from All-Star envy when he was initially left off of this season's Eastern Conference roster. In[…]

    Read more...

Other sports news

  • Fulham 0-3 Tottenham: Kane hat-trick books Spurs a place in FA Cup quarters The striker was unstoppable as Mauricio Pochettino's men had few problems in disposing of lower-league opposition in Sunday's cup tie

    Read more...
  • LIVE: Blackburn vs Manchester United Jose Mourinho's side take on the Championship strugglers as they look to defend the FA Cup crown they won last season. Follow it LIVE with Goal

    Read more...
  • 'The carbonara is on me!' - Gabigol revels in first Inter goal The Brazilian emerged from the bench to score his first goal for the Nerazzurri and secure a win over Bologna, but now he has to own up to a promise

    Read more...
  • TEAM NEWS: Rashford leads the attack as Man Utd seek FA Cup victory The England international is preferred to Zlatan Ibrahimovic at Ewood Park while Ashley Young earns a rare start on the right-hand side of defence

    Read more...
  • Welbeck reveals why he played for Arsenal Under-23s The striker played 70 minutes of a 2-1 loss to Leicester and has revealed that his recent injury issues meant he will not be risked against Sutton

    Read more...

Gabal Dhacay: Cumar-Saalax Cabdi Xasan

Waxa shalay [Khamiistii] dalka India ku geeriyiooday Alle ha u naxariisto’e Cumar Cabdi Xasan oo loo yaqaanay W/Q: Cabdi Yuusuf Aar, Hargeysa, Somaliland

 

Geeridu waa xaq waana wax dhammaanteen inna sugaya. Hase ahaatee way kala naxdin badan tahay oo hore ayay Soomaalidu ugu maahmaahday “Geeridu nin aanad garanayn iyo geeljire ayay  ku fiican tahay.”

Waxa shalay [Khamiistii] dalka India ku geeriyiooday Alle ha u naxariisto’e Cumar Cabdi Xasan oo loo yaqaanay Cumar-Saalax. Geeridiisu waxay naxdin iyo filan-waa ku noqotay cid kasta oo magaciisa iyo muuqiisa garanaysay, anigana si gaar ah ayay ii taabatay. Muddo dheer ayaanu ahayn saaxiibo isku dheer. Waxanu ku soo wada kornay laba guri oo isu dhow.  Hadda oo aanu reero iyo carruuro yeelanayna waxaanu ahayn jaar laba guri oo isku dhaw deggan. Marar badana waanu soo

wada shaqaynay. Noloshayada intii ugu badnyd waanu isa soo agjoognay oo isma lihi cid baa kaaga aqoon badnayd. Sidaas daraadeed waxan jeclaystay in aan idinla wadaago taariikh-nololeedkiisii oo kooban   Cumar-Saalax wuxu ku dhashay Hargeysa  sannadkii 1976-kii. Dugsigiisii Hoose wuxu ku qaatay Biyo-Dhacayga Hoose. Markii uu 1988 dagaalku ka qarxay Somaliland ee qaxootiga la noqday wuxu ka mid noqday ardaydii wax ka baran jirtay madarasadii Cabdillaahi Binu Mascuud ee Dulcad, halkaas oo uu ku xifdiyay 30-ka Jus ee Qur’aanka.  Markii dalka lagu soo laabtay 1991 waxbarashadiisa wuu sii watay isaga oo arday ka noqday dugsiga Sheekh Cabdillaahi Muuse Qaalib kuna dhammaystay waxbarashada dhexe iyo sare. Waxa kale oo uu koorsooyin ka qaaday mac-hadyadii caanka ahaa ee AIDAM, SIDAM iyo Aflax. Waxbarashadiisa heerka jaamacadeedna inteed ugu badan wuxu ku qaatay “online”. Cumar wuxu ahaa nin waxbarashada aad ugu wanaagsan, waanay adkayd in ciddi ka derajo sarrayso imtixaan kasta oo la galo.

Labaataneeyihii sanno ee ugu dambeeyey  Cumar wuxu ku dhex jiray ganacsiga gaarka ah isaga oo haatan ahaa Madaxaha Hawlaha Shirkadda SOMCABLE (Operations Manager). Laga soo bilaabo Oktoobar 1999 wuxu u shaqaynayey si xidhiidh ah iyada oo aanu ka soo wada shaqaynay shirkaddii MSG ee ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi marna aanu macalin ka wada noqonay mac-hadka Aflax Institute. 17-kii sanno ee ugu dambeeyey marka laga reebo saddex sanno oo uu ganacsi gaar ah China ugu maqnaa wuxu la shaqaynayey MSG. Waxa lagu xusuustaa in uu ahaa hoggaamiye hawl-kar ah oo tusaale u ah cid kasta oo uu la shaqeeyo ama ka hoos shaqaysa. Wuxu shaqayn jiray saacado aad u badan oo ay adag tahay in bani’aadamka badankiisu shaqayn karaan. Wuxu ahaa hawl-u-joog mar walba u heellan gudashada masuuliyaddiisa.

Marka laga yimaaddo dhinaca shaqada, dadka badankiisu Cumar-Saalax waxay ku xusuustaan in uu ka mid ahaa xiddigihii kubadda cagta ugu xirfadda badnaa uguna caansanaa ee Somaliland soo maray sannadihii sagaashamaadkii, haddii aanu ahaynba xiddigii ugu caansaa. Yaraantiisii, ka hor intii aan Hargeysa laga qixin, wuxuu u ciyaari jiray kooxdii Sariibbaddaa ee xaafada Idaacadda iyo kooxdii dugsiga Biyo dhacay.  Markii dalka lagu soo noqdayna wuxu u ciyaaray naadiyo ay ka mid ahaayeen Alqamar isaga oo ku khatimay naadigii shirkadda NPP ee uu mulkiilahaa ka ahaa marxuum Maxamuud Cabdi Shide. Garoonnada aad baa looga jeclaa oo maalinta uu ciyaarayo lagama maqnaan jirin. Wuxu noqday “legend” dalka oo dhan laga yaqaan lagana tixgeliyo. Dhallinyarada iyo carruurta Somaliland waxay ku fikiri jireen sidii ay isaga oo kale u noqon lahaayeen.

Cumar kubadda cagta oo kali ah kuma fiicnayn ee wuxu ka mid ahaa dadka tirsan ee hibada u leh kuna fiican ciyaaraha noocyadooda kala duwan. Waxan xusuustaa in uu xataa mararka qaar ciyaari jiray shaxda oo ay dhif ahayd in laga badiyaa.

Alle ha u naxariisto’e Cumar wuxu ahaa nin lagu majeerto shakhsiyad-wanaag. Wuxu ahaa addoon cibaado badan oo aanay salaadi ka tegi jirin. Wakhtiyada Ramadaanta wuxu ahaa dadka aanay taraawiixda iyo taajudka midina dhaafin. Wuxuu ahaa bulshaawi dadka aad u xidhiidhiya iskuna xidha, kaftan iyo sheeko badan, jecelna in uu ka sheekeeyo qisas xikmad leh. Wuxu lahaa saaxiibtinimo joogto ah, qof kastana magaciisa oo saddexan ayuu ugu yeedhi jiray. Wuxu deeqsi ku ahaa talooyinka, dadkana wuxu intii karaankiisa ah ku soo dabbaali jiray wanaagga.  Adduunyadu wax qiimo ah agtiisa kuma ay lahayn oo marka aad la sheekaysato waxad dareemaysay in uu diyaar u ahaa geerida iyo aakhiro.

Cumar wuxuu ifka kaga tagay lix carruur ah; afar wiil iyo laba gabdhood iyo hooyadood. Ilaahay waxan ka barayayaa in uu jannooyinkiisa ka waraabiyo innagana dhammaanteen Samir iyo Iimaan innaga siiyo…Ammiin…  

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Qalinkii: Cabdi Yuusuf Aar

 

Hargeysa, Somaliland

Share
427275