Waxaa toddobaadkii ina dhaafay lagu qabtay magaalada Glasgow, Scotland shirkii caalamiga International Festival of Athletic Coaching. Shirkan oo ay sannad walba qabanqaabiso Hayadda IFAC ee Scotland;
http://www.ifacscotland.co.uk/. Shirkan oo soconayey muddo saddex cisho ah ayaa Waxaa lagu soo bandhigay isbeddelada, natiijooyinkii, iyo orrodadii sannadkan ee dunida khaasatan Olympics kii. Waxaa mawduucyada ugu waaweyn ee lagu soo qaaday shirka ahaayeen ka faaiidaysiga daraasadaha ay bixinayeen tababarayaasha Caanka sida Jama Aden.
Waxaa Tababbare Jama Aden uu ka mid ahaa tababarayaasha kooban ee loo doortay inay muxaadaro iyo lecture golaha ka bixiyaan, isagoo lugu qiimeeyey horumarka joogtada ah ee uu sameeyey. Ka dib markii shir guddonku furay shirka, ayaa waxaa si gaar ah looga sheegay madasha in ay aad ugu faraxsan yihiin aqballaadda uu Caoch Jama Aden ka yeelay casumaaddi loo fidiyey. Waxaa shir guddoonku intaa ku daray inuu Jama yahay mid kamid tababarayaasha ugu caansan maanta caalamka ciyaaraha Orodada.
Tababrayaasha shirka oo ka kala yimid adduunweynaha waxay si gaarah u xiiseeyeen daraasadaha uu Jama halkaa ka akhriyey, ku waa oo ahaa qaar ku sallaysan soo saaridda ororyahanno adkaysi leh. Waxaa tababaruhu uu bayaaniyey sida gaarka ah ee uu u xusho ciyaaryahanno nadiif ah, tababarrada gaarka ah ee uu ukala sameeyo, doorashada dhulka tababarridda, hoggaaminta ciyaaryahannada, iyo toosinta xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo ciyaartoydiisa. Waxay aad ula dhaceen dhamaan dadkii ka qaybgalay muxaadaradiisa shaqsiyad wanaaggiisa, hibada, xirfadda, kartida, iyo aqoonta weyn ee uleeyahay ciyaaraha tababarka oroddada. Waxaa tababare Jama Aden ka ballanqaaday IFAC inuu sii wadi doono xoojinta xidhiidhka ciyaaraha, iyo bixinta daraasadahan oo kale markuu waqti u helo.
by. Issa Awaleh