Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska,oo uu Waheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi ayaa maanta Furay Kalfadhigii Sedex iyo Labaatanaad ee Golaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo.
Kalfadhigan ayaa ah mid la qabto Afartii Biloodba hal mar iyada oo kal-fadhigani noqon doono kalfadhigii ugu Dambeeyay ee ay yeeshaan Gudigaasi oo Wakhtigoodu ku egyahay Bishan December, ee sanadkan.
Kalfidhigan ayaa inta uu Socdo waxaa lagu Darsi doonaa isla markaana lagu qiimeyn doonaa Hawsha dalada iyo Mashaariicda ay Fuliso,sidoo kale waxaa Lagu diyaarin doonaa shirweynaha Guud ee Dallada oo dhici doona Todoba iyo Labaatanka Bisha December.
Gudoomiye Ku xigeenka Dalada Sonyo Guuleed Yusuf Iidaan, oo Halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Kalfadhigani yahay Mid ka mid ah Kalfadhiyadii dallada kaas oo dib loogu eegi doono Hawlaha dallada u fulay iyo waxa u dhiman .
Wasiirka wasaarada dhalinyarada ,ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland mudane Cali Siicid Raygal oo kalfadhiga 23aad ee Dalada Sonyo oo Ka Hadlay Ayaa waxa uu Dallada Sonyo Ku Amaanay Hawlaha Ay u qabanayso Dhanlliyarada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo lagu farxo ka wasaarad ahaana ay soo dhaweynayaan.
waxa kale oo wasiirka Ciyaaruhu u soo jeediyey Dhanlliyarada reer somaliland in ay si wacan uga qayb-qaataan hawlaha doorashooyinka isla markaana si wanaagsan u codeeyaan maadaama oo ay yihiin dadka uga badan ee codaynaya sugaana nabad-galyada guud ee qaranka
Shirweynahan ayaa waxaa ka soo qayb galay Sedex iyo Tobanka Xubnood ee Dalada u mattalay Gobolada dalka.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Mustafe Gacma Dheere oo ah Xoghayaha Golaha Fulinta Dallada Sonyo.