Ciyaar lagu xusayey allah haw naxariistee ciyaaryahankii marxuun MAXAMED CABDI MUUSE oo ka tirsanaa kooxda cashuur oo ka dhisan caasimada Hargeysa ayaa lagu qabtay garoonka Hargeysa Stadium.
Ciyaartan ayaa daawasheeda waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan, iyada oo halkaana looga duceeyey ciyaaryahankii geeriyooday ee Marxuun Maxamed Cabdi Muuse.
Ciyaaryahankan oo sanadkii 2009 ku geeriyooday caasimada wadanka Liibiya ayaa waxa xuskiisa soo qaban qaabiyey kooxdii uu ka tirsanaa ee Cashuur.
Musharax Mubaarig Cabdi Malow oo ka mida musharaxiinta urur siyaasadeedka Xaqsoor uga tartamaya caasimada Hargeysa ayaa maal galiyey munaasibadan lagu xusayey marxuun MAXAMED CABDI MUUSE.

Ciyaartan lagu xusayey marxuun Maxamed Cabdi Muuse ayaa waxay dhex martay kooxaha Cashuur iyo kooxda Axmed Dhagax Stars kuwaas oo ciyaar aad u xiiso badan soo bandhigay labada kooxoodba.
qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ciyaaryahanka Maxamuud Kofindha waxa uu kooxda Cashuur u saxeexay goolkoodii kowaad, kaas oo hogaanka ciyaarta gacanta ku galiyey kooxda Cashuur.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay hal gool iyo waxba ay ciyaarta ku hogaaminayso kooxda Cashuur, balse markii laysku soo noqday qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa kooxda Axmed Dhagax Stars waxa u suurta gashay inay keenaan goolka bar baraha kaas oo uu u saxeexay ciyaaryahanka Nageeye Muuse.
Intii lagu jjiray qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa waxa mar kale gool qurux badan u saxeexay kooxda Axmed Dhagax Stars ciyaaryahanka Cabdifataax Shanbidhiidho, kaas oo ciyaartana ka dhigay iny kooxdaasi ay ku hogaamiso laba gool.
Kooxda Cashuur oo in badan isku dayday inay keento goolka barbaraha hadana uma suura galin,waxaanay ciyaartii ku soo dhamaatay laba gool iyo hal gool ay guushu ku raacday kooxda Axmed Dhagax Stars.
Ugu danbayntiina musharax Mubaarig Cabdi Malaw ayaa halkaasi ku gudoonsiiyey kooxda Axmed Dhagax Stars koobkii xuskaasi.