Gudoomiyaha Ciyaarha Ee Degmeda gabiley Muxiyadiin Axmed C/raxmaan (Abu-Bushra) Ayaa Maanta Xilal Cusub U magacaabay Labadan Masuul Ee kala Ah Maxamed Meecaad Samatar iyo Sacad Axmed Cabdi.
Qoraal dheer oo Uu arintaasi ku faahfaahiyey gudoomiyuhu isla-markaana uu soo raaciyey nuqulo ka mid ah Warqada Magcaabista Ayaa Maanta Soo gaadhay Shabakada Wararka Ee Gabiley News Nuquladaasi Oo Uu Ku Sexeexnaa Gudoomiyaha ciyaaraha Ee Degmeda Gabiley Muxiyadiin Axmed C/raxmaan (Abu-Bushra) Ayaa U Dhignaa Sida Tan:-
“Markaan Arkay In baahi Loo qabo Laba tobabare oo xirfad u leh hawlaha ciyaaraha, markaan la tashaday gudida ciyaaraha, markaan arkay xirfada ay u leeyihiin ciyaaraha waxaan u gartay labadan masuul ee kala ah:-
1- Maxamed Meecaad Samatar
Iyo
2- Sacad Axmed Cabdi
inay noqdaan TOBABARAYAASHA labada xul ee Degmeda gabiley uga qayb galaya ciyaaraha degmooyinka Gobolka gabiley laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 28/10/2012 labada tobabare ee labada xul ee degmeda gabiley”.
Sikastaba ha ahaatee xaalada ciyaareed ee gobolka gabiley ayaa wakhti xaadirkan maraysa meel aad u wanaagsan taniyo intii gudoomiyaha ciyaaraha loo magacaabay Muxiyadiin Axmed C/raxmaan (Abu-Bushra) Isaga Oo wax wayn oo la taaban karo ka badalay xidhiidhka ciyaareed ee Gobolka Gabiley.
Guuleed Yare
Gabiley News Reporter
Gabiley Somaliland