Shirkadaha Dahabshiil Group waxa hambalyo u diraysaa dhamaan dhalinyarada iyo Ciyaartoyda Somaliland, iyada oo marwalba shirkadu diyaar u ah kana qayb qaadata horumarinta dhalinyada iyo Ciyaaraha Somaliland. Fariintaas iyo salaantaas ciida waxaanu ka helnay Maamulka guud ee shirkadaha….
Ciid Mubaarak
Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group, Mudane Mxamed Siciid Ducaale, isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group iyo dhamaan madaxada iyo hawlwadeennada ee shirkadaha, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u gaadhsiinayaa dhammaan wakiillada iyo macaamiisha qaayaha badan ee shirkadda, bahda saxaafadda iyo dhammaanba ummadaha Islaamka ah dunida meel kasta oo ay ka joogaanba, isaga oo ku bogaadinaya munaasibadda Ciidal Adha iyo ayaamaha barakaysan ee tobanka ah ee malaayiin Muslin ahi guteen waajibaadka Xajka. Ilaahay camalkooda saalixa ah ha ka aqbalo, intii seegtayna Alle ha solansiiyo oo ha ku simo sannadka sannadkiisa. Aamiin. Aamiin..