Berbera Ciidamadda Baadhista Danbiyadda ee CID-da ayaa maanta madaarka Berbera ka qabtay laba masuul oo ka tirsanaa Bahda Ciyaaraha oo muddo toban cisho ah si dhuumasho ah ugu maqnaa mgaaladda Muqdisho ee Somaliaya.
Ilaa hada wax war ah kamay soo saarin Xukuumadda Somaliland Xadhiga labadan nine e ka tirsanaa Ciyaartoyda Somaliland oo la kala yidhaahdo Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Axmed Dhego oo midkoodna ahaa Guddoomiyaha Xidhiidhka kubada Cagta ee dhawaan la baabi’iyay midkoodna yahay Guddoomiyaha Naadi u ciyaara Wasaaradda Duulista Hawada.
Hase yeeshee waxa la filayaa talaabadn ay Xukuumaddu xabsiga ugu taxaabtay labada Nin inay hordhac u tahay hawlgal ay doonayso inay ku qab qabato dadka Reer Somaliland ee taga Xamar isla markaana dalka dib ugu soo laabta, iyagoo fulinaya Go’aankii ay ka soo saareen arrintaasi.
Labada masuul oo la qabtay markii ay Diyaaradda ka soo degeen ayaa ilaa hada ku xidhan magaaladda Berbera. waxaana la filayaa in dad kale oo hore Muqdisho u tahay oo isugu jira Salaadiin iyo Siyaasiyiin kale la qabto, waxaana Madaarada iyo goobaha dalka laga soo galo ku heegan ah Ciidamo Booliis ah oo loo diyaariyay