Wasiirka wasaaradda ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa Direeto uu soo saaray ku baabiiyey dhammaan xidhiidhadii Ciyaahaha kala kala duwanaa ee wasaaraddu lahayn.
Wasiirka ayaa sidan ku caddeeyey qoraal xanbaarsan go’aanka kala dirista xidhiidhada oo uu shalay ka soo saaray xafiiskiisa wasaaradda, isaga oo si toos ah ugu socodsiiyey dhammaan xidhiidhada ciyaaraha ee dalka, isuduwayaasha, agaasimayaasha waaxyaha iyo agaasimahaguud, kaas oo u dhignaa sidan:-
Qoraalka Wasiirka ayaa isaga oo dhamays tiran waxa uu u dhignaa sidan “Markaan arkay inaan xidhiidhada ciyaaraha ee Somaliland laga aqoonsanayn caalamka isla markaana aanay wax xidhiidh wada-shaqayneed ah la lahayn ururada ciyaaraha ee caalamka. Markaan ogaaday isla markaana aan daraasad qotodheer iyo xog uruurin ballaadhan ku sameeyey inay maamulka ciyaaraha dalku ka horumarsanaayeen intii aan xidhiidhada la asaasin. Markaan arkay inaanay illaa hadda suurta gelin himiladii laga lahaa xidhiidhada ciyaaraha dalka.
Marka arkay inaanay xidhiidhadu ka wada hawl-gelin gobolada dalka ee ay ku kooban yihiin Hargeysa oo keliya oo aan laga aqoonsanayn gobolada maadaama oo aanay ka qayb gelin asaaskoodii.
Markaan u kuur galay in khilaafyada soo noqnoqda ee wasaaraddu ay salka ku hayaan doorarka iyo masuuliyadaha ay kala leeyihiin wasaaradda iyo xidhiidhadu oo aan caddayn.
Markaan ogaaday in madaxda xidhiidhada dhammaantood ay yihiin shaqaale wasaaradda ka mushahar qaata, haddana isu arka inay wasaaradda ka madaxbannaan yihiin.Markaan ogaaday inaanay jirin wax sharci ah oo loo maray asaaskii xidhidhiidhada.
Sidaa daraadeed aniga oo tixgelinaya qodobada kor ku xusan oo dhammaantood sababay dib-u-dhac ku yimid habsani-u-socodkii hawlaha wasaaradda oo farraaro badan yeeshay, isla markaana aan talo badan ka uruuriyey dadka ehelka u ah ciyaaraha iyo hawl-wadeennada wasaaradda. Waxaan go’aamiyey in wasaaraddu
hawsheeda gudato sidii ay hore ugu gudan jirtay asaaska xidhiidhada ka hor, isla
markaana waxaan madaxda iyo iyo xubnaha kale ee xidhiidhada ku wargelinayaa inay si toos ah uga hawl galaan wasaaradda maadaama oo ay ka tirsan yihiin shaqaalaha wasaaradda.
Waxaana wasaaradda ka go’an in la sameeyo xidhiidho madax-bannaan xilligga ay haboonaato.”