Waxaa garoonka kubada cagta ee magaalada Hargeysa ay ciyaar aad u xiiso badani ku dhex martay labada kooxood ee Ex-Unicef iyo kooxda Waaya Arag,ciyaartaas oo lagu sagootinayey ciyaartoyga Cabdixakiin Muuse(Cabdixakiin Bacda)
ayaa waxa ka qayb qaadanayey qaar ka mida ciyaartoygii waaweynaa ee soo mara caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Labadan kooxood ayaa la kala dhex dhigay koob lagu sii sagootinayo ciyaartoygii waynaa ee Cabdixakiin Muuse oo ku magac dheer(Cabdixakiin bacda) oo dalka dib uga noqonaya ayaa waxa goob joog ka ahaa agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaarada dhalinyarada,dhaqanka iyo ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil. Ciyaartan oo ahayd mida aad u xiiso badan ayaa waxa qaybtii hore ee ciyaarta u suura gashay kooxda Ex Unicef inay keensadaan goolkoodii koowaad kaas oo uu u saxeexay ciyaartogay Maxamed Gadaraawi,goolkaas oo ciyaarta ka dhigay inay qaybtii hore ku soo afmeeranto hal gool iyo waxba ay hogaanka ku hayso kooxda Ex Unicef.
Markii laysku soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Waaya Arag waxay soo qaaday weerar aad u culus kaas oo u sahlay inay goolkii barbar dhaca keenaan iyada oo uu goolkaas madaxa ku dhaliyey ciyaartoyga Gaas oo difaaca uga ciyaarayey kooxda Waaya Arag, intaas kuma istaagin dedaalka ay kooxda Waaya Arag doonaysay inay ku kaga badiso kooxda Ex-Uniced balse waxa gool kale kale dhamaadkii ciyaarta u saxeexay ciyaartoyga Saleebaan Mooto, goolkaas oo ay guushu ku raacday Kooxda Waaya Arag. Ciyaartoy aad caan uga ahaa magaalada Hargeysa ayaa ciyaartan maanta isku haleelay kuwaas oo soo xusuustay ciyaarihii waayo waayo ku dhex mari jiray garoonkan

waxaana ka mid ahaa laacibkii weynaa ee khibrada reer Brasil caanka kaga noqday magaalada Hargeysa ee Shiine Karaaciin,kabtankii waaya araga ahaa ee kooxda Herer Star Yaasiin Aabayare,Liibaan Tiifow oo ka mid ahaa ciyaartoygii Onkod, agaasimaha wasaarada ciyaaraha Mustafe Qodax oo isaguna ka mida ciyaartoygii soo maray magaalada Hargeysa iyo qaar kale oo badan kuwaas oo si farxadi ku jirto u soo gunaanaday ciyaartan lagu sagootinayey ciyaartoyga Cabdifataax Bacda. Sidaasna waxa goobkii ku qaaday kooxda Waaya arag oo iyadu ka guulaysatay kooxda Ex Unicef.