Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Sacramento Kings coach George Karl said Wednesday he has a positive outlook after meeting with team general manager Vlade Divac amid a losing streak and speculation about his job. Karl said before the Kings-76ers game in Philadelphia that he and[…]

    Read more...
  • Portland guard Damian Lillard has been added to the U.S. national basketball team pool, giving the Americans 31 players for 12 spots. Lillard fell just short of a place on the 2014 World Cup of Basketball roster and wasn't among[…]

    Read more...
  • Fresh off scoring 51 points against the Washington Wizards, reigning NBA MVP Stephen Curry praised John Wall, who dropped a quiet 41 against the Warriors. The talent pool includes Cleveland's Kyrie Irving, Toronto's Kyle Lowry, Boston's Isaiah Thomas, Portland's Damian[…]

    Read more...
  • Curry leads Warriors past Rockets for 42nd straight home win (Yahoo Sports) Stephen Curry and the Golden State starters got a big boost from their bench. Curry had 35 points, nine assists and six rebounds, and the Warriors put away the Houston Rockets in the fourth quarter of a 123-110 victory Tuesday[…]

    Read more...
  • Hayward lifts Jazz over Mavs 121-119 in OT for 7th straight (Yahoo Sports) Gordon Hayward and the Utah Jazz now have a win that coach Quin Snyder views as validation for the hot streak his young team is enjoying. Hayward hit the winning jumper at the buzzer in overtime after Rodney Hood's tying[…]

    Read more...

Other sports news

  • Neville can't beat Barca's second string - can he keep Valencia in La Liga? The under-fire coach saw his side sent crashing out of the Copa del Rey and now faces a battle to retain their status in La Liga with a crucial clash against Espanyol on Saturday

    Read more...
  • RUMOURS: Mourinho to axe two Manchester United stars The Portuguese is in advanced talks to take over from Louis van Gaal, and has already told Ed Woodward the two players who do not fit in his plans

    Read more...
  • Peterborough United 1-1 West Bromwich Albion (aet, 3-4 on pens): Foster spares Baggies' blushes The England international saved spot-kicks from Martin Samuelsen and Lee Angol as the Premier League side knocked their League One opponents out of the FA Cup

    Read more...
  • Stevens leaves Hoffenheim on health grounds and retires The struggling Bundesliga side have been dealt a blow with the news that their 62-year-old coach has been forced to leave the club

    Read more...

Kooxda Baby Shop Oo Ku Guulaysatay Tartankii Bisha Ramadaan Ee Uu Maal Galiyey Ciyaaryahanka Yuusuf Nuux Yuusuf(Tadhase) Ee Ka Socday Garoonka Hargeysa Stadium

 

Kooxda Baby Shop ayaa maanta ku guulaysatay koobkii bisha Ramadaan ee ka socday garoonka Hargeysa Stadium kaas oo uu maal galiyey ciyaar yahankii waynaa ee Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase.

 

Ciyaarta lagu soo xidhayey tartan koobka bisha Ramadaan ee ka socday garoonka Hargeysa Stadium ayaa waxa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dhaqanka Mustafe Maxamuud Qodax,la taliyaha madaxweynaha ee arimaha dhalinyarada Najax Siyaad Aw Cabdi,qaar ka mida qurba jooga Somaliland iyo dadweyne aad u tira badan.

Ciyaartan lagu soo xidhayey koobka bisha Ramadaan ee garoonka Hargeysa Stadium oo dhex martay kooxaha Baby Shop iyo Iimaan Construction ayaa waxay ku dhamaatay hal gool iyo waxba ay guushu ku raacday kooxda Baby Shop,goolkaas oo uu qaybtii danbe ee ciyaarta dhaliyey ciyaaryahanka lanbarka tobnaad u sita kooxdaas ee Haybe Good Hure.


Xidhitaanka koobka bisha Ramadaan ee garoonka Hargeysa stadium ayaa waxa ugu horayntiiba ka hadlay gudoomiyaha garsooorayasha Somaliland Khadar Jiilaal Jaamac kaas oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray tartankani iyo sida ay uga qayb qaateen kooxihii tartanka ku jiray, waxaanu u mahad naqay ciyaaryahanka maal galiyey koobkan ee Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase,sidoo kale waxa uu u mahad naqay shabakada Caalamig ah ee Hadhwanaagnews,wargeyska geeska Afrika iyo telefishanka qaranka oo uu sheegay inay si wanaagsan ugala qayb qaateen hir gelinta tartankan.

Xidhitaanka koobka bisha Ramadaan ee garoonka Hargeysa stadium ayaa waxa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dhaqanka Mustafe Maxamuud Qodax waxaanu mahad naq balaadhan u soo jeediyey ciyaaryahanka maal galiyey koobkan ee Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase kaas oo uu ku guuubaabiyey inuu halkaa ka sii wado taageerada uu siinayo dhalinyarada Somaliland ee ku jira xirfada kubada cagta, sidoo kale agaasimuhu waxa uu ciyaaryahanadii ka qayb galay tartan ku hanbalyeeyey sida quruxda badan ee ay uga qayb qaateen tartankaa,.

Sidoo kale la taliyaha madaxweynaha ee arimaha dhalinyarada Najax Siyaad Aw Cabdi oo isaguna ka hadlay xidhitaanka koobka bisha Ramadaan ee garoonka Hargeysa Stadium ayaa isaguna dhiniciisa ku hanbalyeeyey ciyaaryahanka weyn ee Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase maal galinta uu ku sameeyey koobkan iyo sida uu gacanta ugu gaystay sidii uu koobkani u hir gali lahaa.

Ugu danbayntii agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha,dhalinyarada iyo dhaqanka Mustafe Maxamuud Qodax koobka tartankan gudoonsiiyey kooxda ku guulaystay ee Baby Shop,isla markaana waxa uu bilado gudoonsiiyey ciyaaryahanadii ka qayb qaatay tartankan ee kaalmaha hore ka galay goolasha,ciyaarwanaaga,akhlaaqda iyo tababarihii ugu wanaagsana ee tartanka.

Webmaster reporter

Share
279996