Kooxda kubbadda Cagta ee Shube ayaa arbacadii la guddoonsiiyey deeq isugu jirtay qalab isboorti iyo waliba lacag Kaash ah,
taasi oo uu soo diray C/raxmaan C/laahi Cabdi Shube oo ah mulkiilaha kooxdan joogana wadanka Kuwayt.
Qalab Isboorti oo isugu jira Garamaan, Kubbado, Kabo, Sharabaado, iyo waliba Lacag Kaash ah oo dhanayd 20000000 Sl Shilin ah, ayaa guddoonsiintoodu waxay ku soo beegantay iyagoo dareenkoodu aad u sarreeyo oo rajaynaya inay ku guulaytaan koobka Ramadaanta.
Deeqdan oo lagu soo hagaajiyey lataliyaha madaxweynaha arrimaha dadka lahayb-sooco Barkhad Jaamac Xirsi ayaa waxa uu isaguna gaadhsiiyey kabtanka kooxdaasi iyo guud ahaan ciyaartoyga Shube oo ciyaar ku lahaa garoonka kubadda Cagta ee Xawaadle oo uu ka socdo koobka Ramadaantu.
Kooxdan Shube oo ku cayaarta magaca Abwaankii weynaa Naxariistii janno Ilaahay haka waraabiyee C/laahi Cabdi Shube, ayaa ah koox adag oo aad isugu duuban, isla markaana waxay soo hooyeen intii ay jireen guulow waaweyn
Webmaster Reporter